- Vinicius Junior & Moises Caicedo ayaa lagu bartilmaameedsaday 400 milyan oo Yuuro oo qarashgareynta Sacuudiga ah
- Man Utd ayaa sahamineysa heshiis is dhaafsi ah oo Aston Villa uu ku lug leeyahay Marcus Rashford
- Cusboonaysiinta dheeriga ah ee William Saliba, Gabriel, Morgan Rogers, Rodri, Liam Deap & in ka badan]]
Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Liverpool ayaa si dhow ula socota xaalada Ollie Watkins ee Aston Villa iyagoo raadinaya weeraryahan kale oo ay kula soo wareegaan Newcastle United Alexander Isak.
Manchester United ayaa xiiseyneysa Watkins waxaana ay wadahadalo ku saabsan heshiis is dhaafsi ah oo uu ku lug leeyahay weeraryahanka amaahda ku jooga ee Marcus Rashford.
Liverpool ayaa sidoo kale u aqoonsatay saaxiibkii Watkins ee Aston Villa Morgan Rogers inuu yahay bartilmaameedka ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana ka go’an inay saxiixiisa ku garaacdo Arsenal, Manchester City, Man Utd iyo PSG.
Kooxda reer Saudi Arabia ee Al Nassr ayaa diyaarinaysa adduun dhan 400 milyan oo euro oo u dhiganta (£342.9m) oo ay kula soo wareegayso garabka Real Madrid Vinicius Junior, khadka dhexe ee Chelsea Moises Caicedo iyo difaaca dhexe ee Arsenal Gabriel Magalhaes.
Chelsea iyo Newcastle United ayaa labaduba la hadlay wakiilada daafaca dhexe ee Bayern Munich Kim Min-jae kaas oo diyaar u ah in uu xagaagan isaga tago kooxda Bundesliga ka dhisan.
Real Madrid ayaa heshiis la gaartay Arsenal taasoo ka dhigeysa in la siiyo dooqa koowaad ee saxiixa William Saliba.
Hadda xiisaha Barcelona waa garabka Paris Saint-Germain Bradley Barcola.
Tottenham Hotspur ayaa ku biirtay kooxaha Borussia Dortmund iyo Inter baacsiga 17 jirka reer Gambia Gibril Sima oo u dhashay dalka Holland.
Chelsea ayaa sii wadi doonta in ay heshiis la gaarto daafaca dhexe ee Bournemouth Dean Huijsen laakiin Liverpool ayaa ah kooxda u muuqata meesha ugu macquulsan ee uu xiddiga reer Spain ku biiri doono.
Arsenal,Chelsea,Liverpool iyo Man Utd ayaa dhamaantood xiriir la sameeyay dhawaan weeraryahanka kooxda Lille Jonathan David. West Ham United ayaa dalab u gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka Canada, laakiin looma arko meel macquul ah.
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay heshiisyo dib ula soo saxiixato daafaca bidix ee Girona Miguel Gutierrez iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Como Nico Paz.
Manchester City ayaa loolan adag ugu jirta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Club ee Nico Williams, waxaana lagu heli karaa lacag dhan €65m.
Kadib markii ay ogaadeen go’aankii Barcelona ay kaga baxday tartanka saxiixa Williams, Arsenal ayaa la soo baxday inay isku daydo inay dhamaystirto heshiiska.
PSG ayaa ku biirtay Real Madrid baacsiga daafaca dhexe ee Liverpool Ibrahima Konate xilli uu ku sii dhawaanayo 12 bilood ee ugu dambeeya qandaraaskiisa.
Atalanta ayaa rajeyneysa inay u adeegsato imaatinka agaasimaha cusub ee John Murtough, oo hore u ahaa Man Utd, si ay uga iibiso ciyaartoy dhowr ah Premier League. Red Devils ayaa kula tartameysa Man City saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ederson, halka Liverpool ay dooneyso Ademola Lookman.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen Exequiel Palacios ayaa rajeynaya inuu ku biiro Man City xagaagan halkii uu ku biiri lahaa Liverpool.
Daafaca dhexe ee kooxda AC Milan Malick Thiaw ayaa waxaa doonaya kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub. Arsenal, Newcastle, Nottingham Forest iyo Tottenham ayaa xiiseynaya 23 jirkaan, kaasoo ay sidoo kale doonayaan Bayern Munich iyo Bayer Leverkusen.
Real Madrid ayaa diyaarisay laba ciyaartoy oo u sharaxan badalka Toni Kroos; Rodri ee Man City iyo Martin Zubimendi ee Real Sociedad.
Chelsea ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Serhou Guirassy xagaagan.
Dhinaca kale maamulaha kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa kooxda ku cadaadinaya in ay ku guulaystaan tartanka loogu jiro weeraryahanka kooxda Ipswich Town ee Liam Delap.
Waa Man Utd oo haatan hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa Deap maadaama dalabka ay u jeedinayaan weeraryahanka Ipswich uu yahay mid la taaban karo marka loo eego soo jeedinta dakhliga ku saleysan ee Chelsea. (TEAMtalk)
Saudi Arabia ayaa isku dayi doonta inay Carlo Ancelotti u shaqaaleysiiso xulkooda xagaagan hadii laga ceyriyo Real Madrid.