Skip to content

wararka ciyaaraha maanta

Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda: Heshiiskii Real Madrid ee Alexander-Arnold oo la afduubay; Barcelona ayaa dalab ka gudbisay Rashford

  • Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dalabyo u dirto xiddiga Arsenal William Saliba & kan Chelsea Enzo Fernandez
  • Man Utd ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xiddiga PSG Ousmane Dembele
  • Warar dheeraad ah oo ku saabsan Raphinha, Dusan Vlahovic, Victor Osimhen, Jules Kounde & qaar kaloo badan

Wararka suuqa kala iibsigaciyaartoyda

Paris Saint-Germain ayaa dadaal soo daahday si ay Real Madrid ugu garaacdo saxiixa daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold. Heshiiska ayaa ah “mid khatar ah oo u dhow” iyadoo PSG ay diyaar u tahay inay sameyso wax kasta oo ay ku qaadaneyso in heshiis laga gaaro khadka.

Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta inay dhamaystirtay heshiiska Alexander-Arnold kaas oo si cad u xaqiijin doona go’aankiisa todobaadyada soo socda.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ku wargeliyay Arsenal, Chelsea iyo Liverpool inay la soo saxiixan karaan weeraryahanka Barcelona Raphinha xagaagan 80 milyan ginni.

Liverpool ayaa “100%” u dhaqaaqi doonta saxiixa weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen xagaagan.

Chelsea ayaa kula biirtay kooxaha Manchester City iyo Manchester United baacsiga garabka Real Madrid ee Rodrygo waxayna diyaar u yihiin in ay dalab 100 milyan oo euro ah oo u dhiganta (£85.7m) u gudbiyaan si ay ugu soo jiidaan Stamford Bridge.

Malaha u dhaqaaqista jihada ka soo horjeeda waxay noqon kartaa Enzo Fernandez iyadoo Real Madrid ay u aragto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea inuu yahay dhaxalka suurtagalka ah ee Toni Kroos.

Arsenal,Chelsea,Liverpool iyo Man Utd ayaa dhamaantood isha ku haya weeraryahanka PSG Ousmane Dembele waxana laga yaabaa in ay xagaagan dalabyo hami leh ku dalbato xiddiga reer France.

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay dalab 100 milyan euro ah oo u dhiganta 85.7 milyan ginni kula soo wareegto daafaca dhexe ee Arsenal William Saliba xagaagan. (Fichajes – Spain)

Daafaca midig ee kooxda Barcelona Jules Kounde ayaa durba si cad ugu sheegay Arsenal inuusan wax xiiso ah u qabin inuu ka tago kooxdiisa haatan xagaagan.

Barcelona ayaa diyaar u ah inay dalab 40 milyan oo euro ah (£34.3m) kula soo saxiixato weeraryahanka Man Utd ee Marcus Rashford kaas oo haatan amaah kula jooga Aston Villa.

Rashford ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booska Ansu Fati, kaasoo diyaar u ah inuu ka tago Barcelona, ​​islamarkaana amaah uga imaanaya Real Sociedad.

West Ham United waxa ay dooneysaa in ay iibiso Mohammed Kudus xagaagan si ay u maalgeliso kharashaadkeeda. Arsenal,Chelsea iyo Liverpool ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer Ghana.

Ka dib markii ay ka hareen horyaalka Premier League, Leicester City waxay dhageysan doontaa dalabyada loo soo jeedinayo xubin kasta oo ka tirsan kooxdeeda – taasoo dhiirigelin u ah Chelsea iyo Man Utd iyagoo tixgelinaya dalabaadka goolhaye Mads Hermansen.

Weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic ayaa dalbanaya mushaar sanadle ah oo gaaraya €10m (£8.6m) si uu ugu dhaqaaqo Premier League, halkaasoo Arsenal, Chelsea, Man Utd iyo Newcastle United ay ka fiirsanayaan dalabyo gaaraya €45m (£38.6m).

Tottenham Hotspur ayaa qorsheyneysa inay kula tartanto Arsenal iyo Man Utd saxiixa khadka dhexe ee daafaca Sporting CP Morten Hjulmand.

Bayern Munich ayaa dooneysa inay sii haysato Serge Gnabry, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo 2026, waxayna taa beddelkeeda isku dayi doonaan inay iska iibiyaan bartilmaameedka Arsenal ee Kingsley Coman si ay lacag ugu ururiyaan dalabka Florian Wirtz.

Pep Guardiola ayaa doonaya in Man City ay amaah ku dirto daafaca dhexe Abdukodir Khusanov xilli ciyaareedka soo socda, isagoo ka baqaya in saxiixiisa Janaayo uusan weli diyaar u aheyn dalabaadka koox caan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *