Skip to content

wararka ciyaaraha maanta

Arteta oo ka hadlay kaararka cas ee Arsenal iyo Thomas Partey

  • Intii lagu jiray xilli-ciyaareedka Premier League ee 2024/25, kooxda Arsenal waxay heleen shan kaar cas.
  • Leandro Trossard – Waxaa loo diray kaar cas toos ah kadib tuuryo khatar ah oo uu ka galay ciyaartii barbaraha 2-2 ah ee Manchester City.
  • William Saliba, Declan Rice, iyo Myles Lewis-Skelly oo lama kaar cas qaatay

wararka ciyaaraha Maanta/wararka Premier league

Mikel Arteta ayaa ka hadlay tirada kaararka cas ee kooxdiisa Arsenal xilli ciyaareedkan, isagoo yiri:

“Xeerarka bilowgii xilli ciyaareedka markii aan la ciqaabayay iyo wixii ka dambeeyay 15 kulan way kala duwan yihiin”.

“Waxaan rajeynayaa in xilli ciyaareedka soo socda aan heli doono xeerar cusub kulamo gaar ah, markaasna mar kale la beddelo”.

Arteta sidoo kale wuxuu amaanay Thomas Partey xilli wada-hadallada heshiis cusub ay socdaan:

“Waa xiddig muhiim noo ah. Waa ciyaaryahanka ugu daqiiqadaha badan ee ka ciyaaray booskiisa”.

“Markii aan ciyaaraynay ciyaartii ugu weynayd xilli ciyaareedka ma haysan isaga, balse Rice si fiican ayuu u qabsaday booskaas. Hadda waxaan dib u helnay Thomas, taasoo noo kordhinaysa xulashooyin badan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *