- Ole Gunnar Solskjaer ayaa su’aal galiyay sababta ay Man Utd u iibisay Scott McTominay
- Laacibka khadka dhexe ee gooldhalinta ayaa si fiican ugu soo baxay Napoli xilli ciyaareedkan
- Solskjaer ayaa sidoo kale difaacay go’aannadiisa suuqa kala iibsiga intii uu joogay United
wararka ciyaaraha Maanta

Tababarihii hore ee Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer, ayaa si furan u su’aalay sababta ay kooxda horey u macasalaameysay Scott McTominay xagaagii hore, isagoo sidoo kalena iska difaacayay go’aamadii kala iibsiga ee isaga lagu dhaliilay intii uu joogay Old Trafford.
Solskjaer, oo haatan layliya kooxda reer Turkey ee Besiktas, wuxuu kusoo qaatay ku dhawaad saddex sano hogaanka Manchester United intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2021. Tababarahan hore ee reer Norway ayaa la kulmay waqtiyo sare iyo kuwo hoose labadaba intii uu maamulayay kooxda uu horey uga tirsanaa ciyaaryahan ahaan.
Inkasta oo natiijooyinku hoos u dhaceen kadib markii si rasmi ah loo magacaabay, Solskjaer wuxuu United ku hogaamiyay kaalinta labaad ee Premier League xilli ciyaareedkii 2020/21 – guul aysan xitaa Ruben Amorim riyoon karin xilli ciyaareedkan.
Ugu dambeyn, Ole ayaa shaqada laga ceyriyay afar bilood kadib bilaabashadii xilli ciyaareedkii 2021/22, kadib markii uu ku guuldareystay inuu helo nidaam ciyaareed oo ku habboon xiddigaha cusub ee kooxda, gaar ahaan Cristiano Ronaldo.
Solskjaer oo si weyn ula socda kooxdiisii hore ayaa sheegay inuu aad ula yaabay go’aankii kooxda ay ku iibisay Scott McTominay, kaas oo ku biiray Napoli xagaagii hore.
“Sidee bay suuragal ku tahay inaad iibiso Scott?” ayuu yiri Ole isagoo la hadlayay BBC Sport. “Scott iyo Fred waxay ahaayeen laba ciyaaryahan oo aad kalsoonida saari lahayd maalin kasta – 100% ayay bixiyeen.”
Intii uu Ole xilka hayay, McTominay wuxuu si joogto ah uga ciyaarayay booska khadka dhexe ee daafaca, balse wuxuu bilaabay inuu muujiyo awooddiisa weerar marka la gaaro dhammaadkii waqtigii Erik ten Hag. Ciyaaryahanka xulka Scotland wuxuu dhaliyay 10 gool oo aan rigoore ahayn xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, taas oo ka badan inta ay dhaliyeen Bruno Fernandes, Marcus Rashford ama Anthony Martial.
Wuxuu sidoo kale wacdaro ka dhigaya Serie A, isagoo mar kale gaaray gooyo laba-jibbaaran (double digits) xilli ciyaareedkan isaga oo ka hoos ciyaaraya Antonio Conte oo hoggaaminaya Napoli.
Sidoo kale, Solskjaer ayaa iska difaacay dhaleeceynta ku aadan go’aankii uu ku keenay Harry Maguire oo lagu soo iibsaday £80 milyan – rikoor u ah difaacyahan Ingiriis ah. Ole wuxuu ku tilmaamay Maguire “hogaamiye iyo halyey dagaalyahan ah.”
“Marna shakiba igama jirin markaan saxiixay – isla markii uu albaabka ka soo galay waxaan ogaa inuu noqon doono kabtankeenna,” ayuu yiri Ole. “Bruno [Fernandes] isna waa kabtan kale. Labadooduba waa dad aad u wanaagsan.”
Ugu dambeyntii, Ole wuxuu sheegay in Maguire iyo Fernandes ay yihiin labo ka mid ah ciyaartoydii yarayd ee la soo xiriiray tan iyo markii shaqada laga eryay:
“Labadooda iyo Victor [Lindelof] ayaa ah kuwa kaliya ee ila soo xiriiray tan iyo markii aan ka tagay kooxda,” ayuu yiri. “Waan u rajaynayaa wanaag.”