
Real Madrid ayaa xaqiijisay heshiis ay kula soo wareegayaan daafaca midig ee Liverpool Trent Alexander-Arnold waqtigii loogu talagalay Koobka Club World Cup ee xagaagan.
Heshiis lagu saxiixanayo Alexander-Arnold markii qandaraaskiisu dhacayay June 30-keeda ayaa horey loo soo gabagabeeyay, laakiin Madrid waxay dooneysay saxiixooda cusub waqtigii loogu talagalay Club World Cup-ka, oo bilaaban doona June 14-keeda, waxayna diyaar u ahaayeen inay bixiyaan lacag badan si ay uga iibsadaan qandaraaskiisa Liverpool goor hore.
Heshiiskaas ayaa haatan la isku raacay, iyadoo Madrid ay xaqiijisay in Alexander-Arnold uu u dhaqaaqi doono Santiago Bernabéu June 1-deeda.
“Real Madrid CF iyo Liverpool FC waxay gaareen heshiis uu Trent Alexander-Arnold kooxdeena la joogi doono lixda xilli ciyaareed ee soo socota, laga bilaabo June 1, 2025, ilaa June 30, 2031,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
“Alexander-Arnold wuxuu Real Madrid kula ciyaari doonaa Club World Cup-ka, kaasoo ka dhici doona Mareykanka laga bilaabo June 14.”
The Times ayaa xaqiijisay wararkii hore ee sheegayay in Liverpool ay ka heli doonto ilaa £10 milyan ($13.5 milyan) bixitaanka Alexander-Arnold.
War-saxaafadeed ka soo baxay Liverpool ayaa lagu yiri: “Liverpool FC waxay xaqiijin kartaa in dalab laga aqbalay Trent Alexander-Arnold oo ka yimid Real Madrid wareejintiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga June.
“Daafaca midig ayaa haatan diyaar u ah inuu ku biiro kooxda La Liga ka hor dhamaadka qandaraaskiisa Reds xagaagan.
“Liverpool waxay heli doontaa lacag adeeggiisa, iyadoo heshiiska la soo gabagabeyn doono marka uu furmo suuqa June 1-deeda.
“Alexander-Arnold wuxuu ku soo biiray akadeemiyada kooxda isagoo lix jir ah wuxuuna ka soo baxay heerarka kala duwan si uu u safto kulankiisii ugu horreeyay ee heer sare ah bishii Oktoobar 2016.
“Haatan wuxuu ka tagayaa Anfield ka dib 354 kulan iyo 23 gool oo uu u dhaliyay kooxda, iyo sidoo kale siddeed koob oo waaweyn oo uu la qaaday ciyaartoyda kooxdiisa, kuwaasoo ka kooban laba horyaal oo Premier League ah, Champions League, FIFA Club World Cup, UEFA Super Cup, FA Cup iyo laba League Cup.
“Alexander-Arnold wuxuu ka tagayaa Liverpool FC iyadoo kooxdu ay qadarin iyo mahadnaq u hayso wax ku darsigiisa guulahaas.”