wararka ciyaaraha maanta

Manchester City Oo Guul Ku Bilowday Ololahooda Club World Cup

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Manchester City ayaa guul 2-0 ah kaga gaartay Wydad AC kulankeedii ugu horeeyay ee Club World Cup, iyadoo horyaalka difaacanaya uu si xoogan ku bilowday.

Phil Foden ayaa goolka furitaanka dhaliyay labo daqiiqo gudahood, taasoo ka dhalatay shaqo wanaagsan oo uu Savinho ka qabtay xerada ganaaxa. Goolhayaha Wydad ayaa kubad ku celiyay meel halis ah oo uu Foden ku dhacay. City ayaa inta badan kubada heysatay 45-kii daqiiqo ee hore, laakiin ma aysan labanlaabin hogaankooda. Dhanka kale, Wydad waxay ku dhegsanaayeen qorshe waxayna cadaadis xoogan saarayeen City. Waqtiga nasashada ka hor, Jérémy Doku ayaa labanlaabmay hogaanka Cityzens isagoo ka dhaliyay koorno, waxaana caawinaad sameeyay Foden.

Erling Haaland iyo Rodri ayaa soo galay qaybtii labaad iyadoo Man City ay sii waday qaabkeeda ciyaareed. Inkasta oo ay kubada heysashada ku badnaayeen, hadana ma aysan dhalin gool kale, laakiin waxay qaadan doonaan seddexda dhibcood, iyadoo ay sugayso kulan adag oo ay la ciyaarayaan Juventus.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku qasbanaadeen inay la tacaalaan kaarka cas ee la siiyay Rico Lewis kaasoo helay kaarka cas daqiiqaddii 88aad, ka dib markii uu qalad ku galay Samuel Obeng. Ciyaartoyda ayaa ka banaanbaxay go’aanka, laakiin VAR ma aysan burin go’aankaas oo lugta Lewis ay kor u kacday oo ay Obeng wejiga ka qabatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *