
Real Madrid ayaa xaqiijisatay booskeeda wareegga quarter-finalka Koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA, ka dib markii ay 1-0 ku garaacday Juventus.
Ka dib markii ay kaalinta koowaad kaga soo baxeen Group H, Real Madrid ayaa isku dhaceen kooxda kaalinta labaad kaga soo baxday Group G ee Juventus, markii ugu horeysay muddo toddoba sano ah. Kooxda weyn ee Spain ayaa kulankaan soo gashay iyada oo aan laga badinin tan iyo markii uu tababare u noqday Xabi Alonso, halka Old Lady ay ku soo jirtay guuldarro 5-2 ah oo ka soo gaartay Manchester City.
Juventus iyo Real Madrid ayaa is dhaafsadeen weeraro qeybtii hore ee ciyaarta ee ka dhacday garoonka Hard Rock Stadium. Kenan Yıldız iyo Vinícius Júnior labaduba waxay abuureen fursado wanaagsan dhinacyada garoonka, laakiin kama dambaysta ayaa ka maqneyd labada xiddig ee da’da yar. Jude Bellingham ayaa sidoo kale helay fursad dahabi ah oo uu Real Madrid hoggaanka ugu dhiibi lahaa 1-0, laakiin xiddiga reer England ayaa arkay dadaalkiisa oo laga badbaadiyay xariiqda goolka.
Ka dib qeybta hore oo gool la’aan ahayd, Real Madrid ayaa ka soo baxday qolka labiska iyada oo indhaha ku haysa gool. Kooxda Spain ayaa cadaadis xooggan saartay Juventus ilaa uu Gonzalo García shabaqa soo taabtay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta. Trent Alexander-Arnold ayaa soo dhiibay kubad cajiib ah oo uu xiddiga 21 jirka ah ee ka soo baxay Real Madrid Castilla uu madax ku dhaliyay.
Kubadda caawinta ahayd waxay ahayd tii ugu horeysay ee xiddiga hore ee Liverpool uu ka geysto goolal iyadoo xiran shaar cad, halka García uu hadda dhaliyay saddex gool afar kulan oo uu ka soo muuqday Koobka Kooxaha Adduunka. Goolkii daqiiqaddii 54-aad ayaa ku filnaaday inuu guusha u xaqiijiyo Real Madrid ee Miami.
Los Blancos ayaa hadda u soo gudubtay wareegga quarter-finalka Koobka Kooxaha Adduunka, halkaas oo ay wajihi doonaan Borussia Dortmund