wararka ciyaaraha maanta

Xiddiga Liverpool Diogo Jota oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur oo ka Dhacay Spain

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Diogo Jota, oo ah weeraryahanka 28 jirka ah ee xulka qaranka Portugal iyo kooxda Liverpool, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay dalka Spain.

Jota wuxuu baabuurka kula jiray walaalkiis André, oo 26 jir ah, kaasoo isna ah ciyaaryahan kubadda cagta oo xirfadle ah kana tirsan kooxda FC Penafiel ee heerka labaad ee Portugal. Shilkan wuxuu ka dhacay agagaarka gobolka Zamora ee Sanabria, Spain.

Bayaan ka soo baxay Golaha Gobolka Zamora ayaa lagu yiri: “Laba dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay A-52 (Palacios de Sanabria). Xarunta Dab-damiska ee Rionegro del Puente (Aagga Waqooyi ee Konsortium) ayaa ka jawaabtay.

“Baabuurku wirmay, dabkuna wuxuu ku fiday dhirta. Waxay ahaayeen 28 iyo 26 jir. ALLE ha u naxariisto.”

Madaxa xiriirka kubadda cagta Portugal, Pedro Proença, ayaa bayaankiisa ku yiri: “Xiriirka Kubadda Cagta Portugal iyo dhammaan kubadda cagta Portugal waxay si buuxda uga naxeen geerida Diogo Jota iyo André Silva, saaka, Spain.

“In ka badan ciyaaryahan cajiib ah, oo ku dhowaad 50 kulan u saftay xulka qaranka A, Diogo Jota wuxuu ahaa qof aan caadi ahayn, oo ay ixtiraamaan dhammaan ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin iyo kuwa ka soo horjeeda, qof farxad badan oo tusaale u ahaa bulshadiisa.”

Shan maalmood ka hor, Jota wuxuu baraha bulshada ku shaaciyay inuu guursaday xaaskiisa wakhtiga dheer ay soo wada joogeen iyo hooyada saddexda wiil u dhashay, Rute Cardoso, taariikhdu markay ahayd June 22.

Jota wuxuu ka soo baxay nidaamka da’yarta Gondomar ka hor inta uusan ku soo biirin Paços de Ferreira oo ka ciyaarta heerka sare ee Portugal. Bandhigyadiisa weeraryahankan kartida badan leh ayaa u horseeday inuu si weyn ugu biiro Atlético Madrid sanadkii 2016, inkasta oo uu ku dhibaatooday inuu helo daqiiqado ciyaareed isagoo hoos yimaada Diego Simeone. Ku laabashadiisii dalkiisa hooyo ee Porto waxay u soo celisay bandhigyadiisii ugu fiicnaa, waxaana la yaab lahayd markii kooxda heerka labaad ee Wolverhampton Wanderers ay amaah ku heshay Jota.

Isagoo ka sarreeyay inta kale ee Championship-ka, Jota wuxuu bandhigiisii gool-dhalinta ahaa ku sii waday Premier League, halkaasoo uu indhaha u soo jiitay Liverpool sanadkii 2020. Intii uu shanta xilli ciyaareed oo buuxa ku qaatay Merseyside, weeraryahankan dhameystiran wuxuu ku guuleystay FA Cup, wuxuu gaaray finalka Champions League wuxuuna qaaday horyaalkii Premier League ee xilli ciyaareedkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *