wararka ciyaaraha maanta

Liverpool oo Shaacisay Nambarada KMG ah ee Saxiixyadeeda Cusub & Xaalka Wirtz

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay nambarada ay si ku-meel-gaar ah (KMG) u xiran doonaan saxiixyadeeda cusub inta lagu jiro kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2025/26. Nambaradan sareeya ma ahan kuwa rasmiga ah ee ay xiran doonaan xilli ciyaareedka.

Liiska nambarada KMG ah ee la shaaciyay:

  • 55 – Giorgi Mamardashvili
  • 56 – Freddie Woodman
  • 57 – Milos Kerkez
  • 58 – Florian Wirtz
  • 59 – Jeremie Frimpong
  • 60 – Armin Pecsi

Waxa xiisaha ugu badan dhaliyey waa Florian Wirtz, oo si KMG ah u qaadan doona lambarka 58-aad. Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu dhaxli karo funaanadda caanka ah ee No. 7, laakiin waxay taasi ku xiran tahay oo kaliya haddii Luis Díaz uu ka tago kooxda xagaagan. Dhinaca kale, Jeremie Frimpong (KMG #59) ayaa la filayaa inuu qaadan doono lambarka 30-aad, oo ah kii uu ku soo guulaystay Bayer Leverkusen.

Nambarada rasmiga ah weli lama go’aamin, waxaana banaan nambaro caan ah sida 6, 12, 13, 15, iyo 23. Go’aanka kama dambaysta ah wuxuu ku xirnaan doonaa bixitaanka ciyaartoyda kale iyo doorashada xiddigaha cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *