RASMI: Nico Paz oo Sii Joogaya Como & Real Madrid oo Dejisay Qorshe Cusub

Wararka Suuqa Kala Iibsiga
Wararka Suuqa Kala Iibsiga

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu wargelisay kooxda Como inaysan dhaqan-gelin doonin qodobkii u oggolaanayay inay €8 milyan dib ugula soo wareegaan xiddigoodii hore ee reer Argentina, Nico Páz, xagaagan 2025.

Go’aankan ayaa la micno ah in Páz, oo ka mid ahaa xiddigihii ugu muhiimsanaa ee Como ka caawiyay inay sii joogto horyaalka Serie A, uu si buuxda ayuu sii joogi doono kooxda reer Talyaani xilli ciyaareedka 2025/26. Tallaabadan ayaa u muuqata mid istiraatiiji ah, taasoo siinaysa ciyaaryahanka da’da yar fursad uu ku helo khibrad joogto ah oo heer sare ah.

Inkastoo Real Madrid aysan dib ula soo saxiixanayn xagaagan, haddana gabi ahaanba kama aysan quusan mustaqbalkiisa. Wararku waxay xaqiijinayaan in heshiiska lagu daray qodob cusub oo Real Madrid u oggolaanaya inay dib ula soo wareegi karaan Páz xagaaga dambe (xagaaga 2026) haddii ay bixiyaan adduun dhan €9 milyan.

Qorshahani wuxuu u muuqdaa mid faa’iido u ah dhammaan dhinacyada; Como waxay haysanaysaa ciyaaryahan muhiim ah, Páz wuxuu helayaa fursad uu ku horumaro, halka Real Madrid ay ilaashanayso maamulka mustaqbalka xiddigeeda. Waxqabadkiisa Serie A ayaa go’aamin doona haddii Madrid ay bixin doonto lacagtaas sanadka dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *