
Warar culus oo kasoo baxaya Manchester United ayaa daaha ka rogay tallaabo adag oo uu qaatay tababaraha cusub ee Ruben Amorim, taasoo muujinaysa inuu jiro nadiifin weyn oo kooxda ka socota.
Kooxda ayaa la sheegay inay ku amartay shan ciyaaryahan oo aan ku jirin qorshaha tababaraha inay tababarka yimaadaan oo kaliya 5-ta galabnimo kadib. Liiska ciyaartoydan waxaa ku jira magacyo waaweyn sida:
- ❌ Marcus Rashford
- ❌ Alejandro Garnacho
- ❌ Jadon Sancho
- ❌ Antony
- ❌ Tyrell Malacia
Go’aankan ayaa la micno ah in ciyaartoydani aysan la kulmi doonin kooxda kowaad iyo tababare Amorim, kuwaasoo ka taga xarunta tababarka ee Carrington ka hor 5-ta galabnimo. Tallaabadan waxay daba socotaa warkii sheegayay in ciyaartoydan la siiyey fasax dheeri ah si ay mustaqbalkooda u xalliyaan, waana calaamadii ugu caddeyd ee muujinaysa inaysan mustaqbal ku lahayn kooxda.
Arrintan waxay si cad u riixaysaa Rashford, Garnacho iyo kuwa kale inay si degdeg ah u raadsadaan kooxo cusub. Mustaqbalkooda Old Trafford waa uu soo idlaaday, waxaana la sugayaa oo kaliya goorta ay si rasmi ah uga tagi doonaan.