
Warar culus oo ka soo baxay warbaahinta Spain, gaar ahaan shabakadda ‘Defensa Central’, ayaa daaha ka rogay qorshe layaab leh oo ay kooxda Liverpool damacsan tahay haddii ay iska iibiso xiddigeeda Luis Díaz xagaagan.
Sida ay wararku sheegayaan, Liverpool ayaa diyaar la ah inay dalab Rasmi ah oo gaaraya €130 milyan (£112.6m) ka gudbiso weeraryahanka Real Madrid ee Vinicius Junior. Haddii uu hirgalo, wuxuu noqon doonaa saxiixii ugu qaalisanaa ee taariikhda kooxda Liverpool.
Qorshahan ayaa gebi ahaanba ku xiran hal shardi oo keliya: Liverpool waa inay marka hore iibisaa Luis Díaz si ay u hesho dhaqaalihii ay ku maalgelin lahayd heshiiskan weyn.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adag in Real Madrid laga dhaadhiciyo inay iibiyaan mid ka mid ah ciyaartoydooda ugu muhiimsan uguna qiimaha badan. Vinicius waxaa loo arkaa mid aan la taaban karin (untouchable) ee kooxda reer Spain. Inkastoo warkani yahay mid la isla dhexmarayo, wuxuu muujinayaa heerka hamiga Liverpool ee suuqa kala iibsiga.