
Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ayaa xaqiijinaya in kooxda Liverpool ay hadda mudnaanta koowaad siinayso saxiixa weeraryahan cusub oo dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Tallaabadan ayaa si toos ah ula xiriirta mustaqbalka Darwin Núñez, kaasoo la filayo in horumar laga gaaro bixitaankiisa maalmaha soo socda. Bixitaanka Núñez ayaa ka tagi doona boos weyn oo dhanka weerarka ah, Liverpool-na waxay doonaysaa inay si degdeg ah u hesho beddelkiisa.
Laba magac ayaa si weyn ugu jira liiska kooxda: weeraryahanka Newcastle ee Alexander Isak iyo xiddiga da’da yar ee kooxda eintracht frankfurt ee Hugo Ekitike. Xiisaha ay Liverpool u qabto labadan ciyaaryahan waa mid la wada ogyahay oo muddo soo jiray. Isak waa gooldhaliye isku cadeeyay Premier League, halka Ekitike uu yahay hibo mustaqbal weyn leh.
Iyadoo Núñez uu sii baxayo, Liverpool waxay hadda diiradda saaraysaa sidii ay u heli lahayd mid ka mid ah labadan weeraryahan si ay u xoojiso safkeeda weerarka. Go’aanka ay qaadan doonaan ayaa saameyn weyn ku yeelan doona qaabka weerarka kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.