wararka ciyaaraha maanta

Lama Filaan: Man United oo Wadahadallo u Furtay Daafaca Brighton ee Pervis Estupiñán

Wararka Suuqa Kala Iibsiga
Wararka Suuqa Kala Iibsiga

Warar lama filaan ah oo ka imaanaya suuqa kala iibsiga ayaa sheegaya in Manchester United ay si lama filaan ah u gashay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee kooxda Brighton, Pervis Estupiñán. Sida ay sheegtay talkSPORT, United waxay horey wadahadallo ula yeelatay wakiillada ciyaaryahanka.

Tallaabadan ayaa ah mid aan la fileyn, maadaama booska daafaca bidix aan loo arkayn mid u baahan xoojin weyn, gaar ahaan markii ay United la soo saxiixatay Patrick Dorgu bishii Janaayo. Si kastaba ha ahaatee, qorshaha ay kooxdu ku doonayso inay iska iibiso Tyrell Malacia iyo shakiga joogtada ah ee ku xeeran taam ahaanshaha Luke Shaw ayaa keenay inay suuqa u galaan.

Waxa heshiiskan suurtogal ka dhigaya ayaa ah in Brighton ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada. Kooxda Seagulls waxay xagaagan la soo wareegtay daafaca bidix ee Maxim De Cuyper, taasoo calaamad u ah inay u diyaar garoobeen bixitaanka Estupiñán.

Manchester United ma ahan kooxda kaliya ee xiisaynaysa, waxaana sidoo kale loolanka ku jirta kooxda AC Milan. Loolanka loogu jiro saxiixa daafaca reer Ecuador ayaa la filayaa inuu kordho maalmaha soo socd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *