
Labadan kooxood ee xafiiltanka weyn ka dhexeeyo ee Manchester United iyo Leeds United ayaa maanta oo Sabti ah ku kulmaya ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacaysa dalka Sweden, taasoo ay ku bilaabayaan isku diyaarintooda xilli ciyaareedka cusub.
Manchester United, oo uu hoggaamiyo Ruben Amorim, waxay doonaysaa inay iska dhaqdo xilli ciyaareedkii hore ee “musiibada” ahaa, kaasoo ku dhamaaday guuldarro finalkii Europa League. Dhanka kale, Leeds United waxay ku jiraan farxad kadib markii ay ku guuleysteen horyaalka Championship-ka ayna usoo laabteen Premier League.
Wararka Kooxda Man United: United waxaa ka maqnaan doona ciyaartoy badan. Goolhaye André Onana iyo daafac Lisandro Martínez ayaa dhaawac ah. Waxaa sidoo kale ka maqan shanta ciyaaryahan ee la iska dirayo (Rashford, Sancho, Garnacho, Antony, iyo Malacia). Tani waxay fursad siin doontaa saxiixyada cusub sida Matheus Cunha iyo Diego Leóninay ciyaaraan kulankoodii ugu horreeyay, waxaana sidoo kale fursad heli kara da’yar badan oo akadeemiyada ka soo baxday.
Shaxda Man Utd ee la Saadaaliyey (3-4-2-1): Bayındır; Yoro, Maguire, Heaven; Dalot, Mainoo, Ugarte, Dorgu; Fernandes, Cunha; Højlund.