
Waqtigii adkaa ee Jadon Sancho ee Manchester United ayaa si rasmi ah usoo dhammaaday. Kooxda ayaa heshiis buuxa la gaartay naadiga Juventus kaasoo ku saabsan iibka joogtada ah ee ciyaaryahanka garabka ka ciyaara.
Sida la xaqiijiyey, Juventus waxay bixin doontaa lacag dhan £15 milyan oo Ginni si ay ula wareegto Sancho. Intaas waxaa dheer, ciyaaryahanka ayaa laftiisa la heshiiyay shuruudaha shaqsiga ah, isagoo saxiixaya qandaraas afar sano ah. Mushaarkiisu wuxuu noqon doonaa £5 milyan sanadkii oo ay u dheer yihiin gunnooyin kale.
Dhaqaaqan wuxuu Sancho siinayaa fursad uu dib ugu soo nooleeyo xirfaddiisa kadib waqti aad u adag oo uu ku qaatay Old Trafford, halkaasoo uu gabi ahaanba ka baxay qorshaha kooxda.
Manchester United, dhankooda, waxay ku guuleysteen inay iska iibiyaan mid ka mid ah ciyaartoydii aan ku jirin qorshaha tababare Ruben Amorim. Heshiiska hadda waxaa ka harsan oo kaliya tijaabada caafimaadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin.