
Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa weeraryahanka Bryan Mbeumo, kaasoo ay kala soo wareegtay kooxda Brentford. Sheekadan oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa ugu dambayn soo idlaatay.
Heshiiskan oo qiimihiisu gaarayo £71 milyan, ayaa la sheegay in lacagtiisa lagu bixin doono afar qeybood. Xiddiga reer Cameroon wuxuu qalinka ku duugay heshiis soconaya ilaa Juun 2030, oo leh hal sano oo dheeri ah oo doorasho ah.
Mbeumo, oo xiran doona lambarka 19-aad, ayaa muujiyey farxaddiisa, isagoo Manchester United ku tilmaamay “kooxda riyadayda” iyo “kooxda aan funaanaddeeda xiran jiray yaraantaydii.”
Imaatinkiisa wuxuu yimid kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu 20 gool oo Premier League ah u dhaliyey Brentford. Wuxuu ku biirayaa saxiixyo kale oo cusub sida Matheus Cunha iyo Diego León, iyadoo tababare Ruben Amorim uu dib u dhis ku samaynayo weerarka kooxda. Saxiixan ayaa loo arkaa mid si weyn u xoojin doona awoodda gool dhalinta ee kooxda.