
Kooxda Arsenal ayaa si guul ah ku bilaabatay kulamadeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2025-26, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda weyn ee Talyaaniga ee AC Milan, kulan saaxiibtinimo oo xiiso badan oo ka dhacay dalka Singapore.
Ciyaartan oo ahayd mid loogu talagalay in lagu tijaabiyo ciyaartoyda cusub laguna dhiso isfahamka kooxda, ayaa waxaa goolka kaliya ee guusha u saxiixay xiddiga garabka ka ciyaara ee Bukayo Saka. Goolkiisa ayaa ku filnaaday inuu kala saaro labada kooxood oo ay hoggaaminayeen tababarayaasha Mikel Arteta (Arsenal) iyo Massimiliano Allegri (AC Milan) dhamaadkii 90-ka daqiiqo.
Inkastoo Arsenal ay ku badisay ciyaarta, waxaa markii ay dhammaatay loo dhigay rigoorayaal si taageerayaasha loo maaweeliyo. Kooxda AC Milan ayaa ku guuleysatay rigoorayaashaas, iyagoo 6-5 kaga badiyey, laakiin natiijada rasmiga ah ee kulanku waxay aheyd guusha Arsenal.
Guushan hore ee xilli ciyaareedka ayaa farxad u ahayd taageerayaal badan oo Arsenal ah, kuwaasoo u dabaal dagay bilawga wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, qaar kale ayaa weli shaki ka muujinaya awoodda kooxda ee tartamada waaweyn, iyagoo aaminsan in bandhiggan oo kale uusan ku filnayn in lagu muujiyo inay diyaar u yihiin koobab. Waxay is weydiinayaan haddii tababare Arteta uu xilli ciyaareedkan aamusin karo dadka dhaleeceeya isagoo la imaanaya koob weyn.
Guud ahaan, waxay ahayd guul wanaagsan oo ay Gunners gaartay, iyagoo ku bilowday guul ay ka gaareen koox weyn oo Yurub ah. Laakiin shaqada dhabta ah ee diyaar garowga ayaa sii socota iyadoo kooxdu ay isku diyaarinayso xilli ciyaareed adag oo laga sugayo inay ugu dambayn qaadaan tallaabada xigta.