wararka ciyaaraha maanta

RASMI: Arsenal oo Xaqiijisay Saxiixa Difaaca Cristhian Mosquera oo ka yimid Valencia

Wararka Suuqa Kala Iibsiga
Wararka Suuqa Kala Iibsiga

Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Valencia, Cristhian Mosquera, kaasoo qalinka ku duugay heshiis muddo dheer ah.

21-jirkan reer Spain wuxuu xoojin dheeri ah ku soo kordhinayaa daafaca Arsenal oo ay horey ugu sugnaayeen xiddigo waaweyn sida William Saliba iyo Gabriel Magalhães. Mosquera ayaa la guddoonsiiyey funaanadda lambarka seddexaad ee waqooyiga London.

Wareysigiisii ugu horreeyay ee uu siiyey warbaahinta kooxda, Mosquera wuxuu yiri: “Waxay ii tahay wax weyn. Waxaan ku biirayaa koox taariikhi ah oo weyn. Markii ay tababaraha iyo agaasimaha isboortiga ay ku tuseen kalsoonidaas, runtii waxay iga caawisay inaan halkan imaado.”

Wuxuu intaas ku daray, “Imaatinkayga halkan waa fursad aan kusii wado barashada iyo horumarka. Waxaan la shaqayn doonaa ciyaartoy waaweyn iyo shaqaale tababar oo heer sare ah, taasina waxay iga caawin doontaa inaan shakhsi ahaan horumaro.”

Mosquera, oo 82 kulan oo La Liga ah u saftay Valencia kadib markii uu ka soo baxay akadeemiyada kooxda, ayaa horey ugu biiray saaxiibadiisa cusub safarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee Asia. Waxaa suurtagal ah inuu kulankiisii ugu horreeyay ee aan rasmi ahayn uu ciyaaro Axadda marka ay la kulmaan kooxda ay ku xafiiltamaan Premier League ee Newcastle United.

Daafacan reer Spain wuxuu noqonayaa saxiix kale oo muhiim ah oo ay Arsenal samaysay xagaagan, isagoo ku biiraya xiddigo kale sida Noni Madueke, Martin Zubimendi, iyo Kepa Arrizabalaga. Hadda waxaa la filayaa in diiradda Arsenal ay u weecato sidii ay u dhameystiri lahayd heshiiska weeraryahanka Sporting CP ee Viktor Gyökeres.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *