
Waxaa soo baxay horumar weyn oo ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka kooxda Newcastle United, Alexander Isak. Laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Premier League, Manchester United iyo Chelsea, ayaa la sheegay inay gabi ahaanba meesha ka saareen inay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Sweden xagaagan.
Warkan oo uu daabacay wargeyska Daily Mail, wuxuu yimid maalin kadib markii la ogaaday in Isak uu u sheegay maamulka Newcastle inuu doonayo inuu isaga tago kooxda. Inkastoo uu ciyaaryahanku doonayo inuu dhaqaaqo, fursadihiisa gudaha England ayaa hadda u muuqda kuwo soo yaraanaya.
Sababta Manchester United ay isaga baxday loolanka ayaa ah inay horey lacag badan u bixiyeen si ay u xoojiyaan weerarkooda, iyagoo lasoo saxiixday xiddigaha Matheus Cunha iyo Bryan Mbeumo. Sidaas darteed, suuqa uguma jiraan weeraryahan kale oo qaali ah.
Dhanka kale, kooxda Chelsea ayaa iyaduna isaga baxday loolanka maadaama ay mudnaanta siinayso meelo kale oo ay kooxda ka xoojinayso. Waxay hadda diiradda saarayaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen heshiisyada qaaliga ah ee khadka dhexe ee Xavi Simons iyo daafaca da’da yar ee Jorrel Hato.
Iyadoo labadan kooxood ee waaweyn ay meesha ka bexeen, mawqifka Newcastle ee ah inay sii haysato ciyaaryahankeeda wuu sii xoogaystay. Waxay ku adkaan doontaa inay helaan qiimahoodii waalida ahaa ee ahaa £150-ka milyan, laakiin waxay sidoo kale u fududaanaysaa inay ku adkaystaan inay sii haystaan ciyaaryahanka. Tani waxay albaabka u furaysaa kooxaha kale ee weli xiisaynaya sida Liverpool iyo Al Hilal, laakiin waxay wajihi doonaan caqabado adag.