
Kooxda Manchester United ayaa si guul ah ku bilaabatay tartanka Premier League Summer Series, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda West Ham United, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka MetLife Stadium ee New Jersey maanta oo Sabti ah.
Qaybtii hore ee ciyaarta, Manchester United waxay u muuqatay kooxda ka firfircoon oo ka halis badan, iyadoo weeraryahan Rasmus Højlund uu birta garaacay daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta. Dadaalkoodii hore wuxuu miro dhalay markii rigoore loo dhigay kadib qalad uu galay goolhayaha West Ham. Kabtanka kooxda, Bruno Fernandes, ayaa si degan u dhaliyey rigoorada, ciyaartana ka dhigay 1-0.
Shaxda waxaa ka soo muuqday saxiixa cusub ee xagaagan, Matheus Cunha, kaasoo ka ciyaarayay booska weerarka ee ka dambeeya Højlund, wuxuuna si fiican ula shaqeeyay Fernandes, iyagoo abuurayay fursado dhowr ah.
Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay, tababare Ruben Amorim wuxuu sii watay kooxdiisii hore, waxaana isla markiiba u suurtagashay inay goolka labaad helaan. Daqiiqado yar kadib bilawgii qaybta labaad, Fernandes ayaa mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.
West Ham ayaa gool u soo celisay daqiiqaddii 63-aad ee ciyaarta, waxaana u saxiixay Jarrod Bowen. Goolkaas kadib, Amorim wuxuu sameeyay beddelo tiro badan, isagoo garoonka ka saaray dhammaan ciyaartoydii ku jirtay marka laga reebo goolhayaha.
Waxaa si gaar ah ciyaarta uga maqnaa saxiixa cusub ee weyn, Bryan Mbeumo. Weeraryahanka reer Cameroon wuxuu la joogaa kooxda laakiin weli wuxuu ka shaqaynayaa taam ahaanshihiisa, waxaana la filayaa inuu kulankiisa ugu horreeya ciyaaro Arbacada marka ay United la ciyaareyso Bournemouth.
Guud ahaan, waxay ahayd bandhig wanaagsan oo ay Manchester United ku bilaabatay safarkeeda Maraykanka, iyadoo uu si gaar ah u iftiimay kabtankooda Bruno Fernandes.