
Kooxda Arsenal ayaa sii wadatay guulaheedii kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka, iyagoo 3-2 kaga adkaatay kooxda ay ku xafiiltamaan ee Newcastle United, kulan saaxiibtinimo oo aad u xiiso badnaa oo ka dhacay Singapore maanta oo Axad ah.
Inkastoo ay Newcastle la daalaa dhacaysay sheekada mustaqbalka Alexander Isak, waxay si cajiib ah ku bilowdeen ciyaarta, waxaana gool u daahfuray saxiixooda cusub ee xagaagan, Anthony Elanga, kaasoo dhaliyey goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda.
Arsenal, oo ciyaarta ka hor taageerayaasheeda usoo bandhigtay saxiixooda cusub ee weyn, Viktor Gyökeres, ayaa lagu qasbay inay ciyaarta gadaal kasoo ciyaaraan. Waxay heleen goolkooda barbaraha qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana u saxiixay Mikel Merino oo si qurux badan u dhameystiray. Laba daqiiqo kadib, Arsenal ayaa hoggaanka qabatay kadib markii da’yarka Newcastle ee Alex Murphy uu si qalad ah gool isaga dhaliyey.
Qaybtii labaad ee ciyaarta, Newcastle ayaa mar kale ciyaarta kusoo laabatay, waxaana natiijada 2-2 ka dhigay Jacob Murphy.
Si kastaba ha ahaatee, daqiiqaddii ciyaarta lagu kala baxay ayaa timid dhamaadkii ciyaarta. Da’yarka 15-jirka ah ee Arsenal, Max Dowman, oo mar kale soo bandhigay ciyaar cajiib ah, ayaa qalad lagula galay xerada ganaaxa waxaana la dhigay rigoore. Kabtan Martin Ødegaard ayaa rigooradaas si degan gool ugu beddelay si uu guusha ugu xaqiijiyo kooxdiisa.
Guud ahaan, waxay ahayd natiijo kale oo wanaagsan oo ay gaartay kooxda Mikel Arteta. Bandhigga da’yarta sida Dowman iyo imaatinka Gyökeres ayaa siinaya taageerayaasha Arsenal rajo badan ka hor bilawga xilli ciyaareedka cusub.