
Warar degdeg ah oo ka imaanaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Manchester City ay dib ula soo saxiixanayso goolhayihii hore ee akadeemiyadeeda, James Trafford, kaasoo ay kala soo wareegayso kooxda Burnley heshiis taariikhi ah.
Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Trafford wuxuu maanta oo Isniin ah marayaa tijaabada caafimaadka ee Manchester City. Heshiiska u dhexeeya labada kooxood ayaa la isku afgartay usbuucii hore, waxaana uu ku kacayaa qiimo dhan £27 milyan oo Ginni ($36 milyan).
Qiimahan ayaa ah mid taariikhi ah. Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan The Athletic, heshiiskan wuxuu Trafford ka dhigi doonaa goolhayaha Biritishka ah ee abid ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta, taasoo ah guul cajiib ah oo u soo hoyatay 22-jirkan.
Trafford wuxuu sideed sano (2015-2023) ka tirsanaa Manchester City, laakiin waligiis uma uusan saflan kooxda kowaad ka hor inta uusan ku biirin Burnley. Bandhiggiisii cajiibka ahaa ee uu halkaas ka sameeyay ayaa ku qanciyey City inay dib ula soo wareegaan qiimo aad u sarreeya.
Dhaqaaqan lama filaanka ah wuxuu yimid xilli ay jirto hubanti la’aan weyn oo ku saabsan mustaqbalka goolhayaha koowaad ee City, Ederson, kaasoo si weyn loola xiriirinayo kooxda Galatasaray. Inkastoo City lala xiriirinayay xiddigo waaweyn sida Diogo Costa iyo Donnarumma, waxay doorteen inay maalgashadaan hibo gudaha ah oo ay horey u yaqaanneen.
Soo noqoshada rikoorka ah ee James Trafford ee Etihad waa calaamad muujinaysa kalsoonida weyn ee ay kooxdu ku qabto ciyaaryahan ay soo saareen, waxayna u muuqataa inay xallinayso dhibaatadii goolhayaha ee kooxda ka taagnayd.