Chelsea oo Xumaysay Kulankii ugu Horreeyay ee Modrić, 4-1-na ku Garaacday 10-nin oo AC Milan ah

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Kooxda Chelsea ayaa kusoo gabagabaysay kulamadeedii gaabnaa laakiin guulaha badnaa ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka si cajiib ah, iyagoo guul 4-1 ah oo awood leh ka gaaray kooxda AC Milan oo 70 daqiiqo ku ciyaaraysay 10-nin, kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay Stamford Bridge Axaddii.

Ciyaarta ayaa si wax ku ool ah ku dhammaatay 20-kii daqiiqo ee ugu horreeyay kadib markii daafaca Milan ee Andrei Coubiș uu maray habeen madow oo la illaawi doonin. Marka hore, gool ayuu si nasiib darro ah isaga dhaliyey daqiiqaddii 5-aad ee ciyaarta.

Laba daqiiqo oo kaliya kadib, João Pedro ayaa hoggaanka u labeeyey Chelsea isagoo madax ku dhaliyey kubbad qurux badan, wuxuuna sii watay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa. Kadibna, daqiiqaddii 19-aad, isla daaficii Coubiș waxaa la siiyey kaar cas oo muran badan dhaliyey kadib qalad uu ku galay Pedro, taasoo kooxda martida ahayd ku reebtay 10 ciyaaryahan inta ka dhiman ciyaarta.

Xaaladdan adag waxay gebi ahaanba xumaysay kulankii ugu horreeyay ee aan rasmiga ahayn ee uu u saftay AC Milan halyeeyga cusub ee Luka Modrić. Xiddiga reer Croatia wuxuu beddel ku soo galay qaybtii labaad iyadoo kooxdiisa 2-0 lagu leeyahay oo nin ka dhiman yahay.

Guusha Chelsea waxaa qaybtii labaad xaqiijiyey weeraryahanka da’da yar ee Liam Delap oo beddel kusoo galay oo laba gool dhaliyey. Goolkiisii hore wuxuu ahaa rigoore uu keenay da’yarka cajiibka ah ee reer Brazil, Estêvão, kaasoo mar kale wacdaro dhigay markii uu beddel ku soo galay.

Youssouf Fofana ayaa gool qalbi qaboojin ah usoo celiyey Milan, laakiin Delap ayaa goolkiisii labaad raacsiiyey daqiiqaddii 90-aad.

Waxay ahayd bandhig kale oo adag oo ka yimid horyaallada adduunka ee Chelsea, kuwaasoo galaya kulankooda furitaanka ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace iyagoo kalsooni buuxda qaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *