Van Dijk oo Dalbaday Weeraryahan Cusub & Slot oo ka Hadley Daafaca kadib Guuldarradii Community Shield

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Kadib guuldarradoodii rigoorayaasha ahayd ee kasoo gaartay Crystal Palace kulankii Community Shield Axaddii, tababaraha Liverpool Arne Slot iyo kabtanka kooxda Virgil van Dijk ayaa bixiyey dareenkooda ku aaddan ciyaarta iyo qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Kabtanka kooxda, Virgil van Dijk, ayaa si cad u muujiyey sida uu uga xun yahay natiijada. “Waan necbahay in la iga badiyo, labadii kulan ee ugu dambeeyay ee aan Wembley ku ciyaarayna waa la iga badiyey,” ayuu yiri, isagoo muujinaya niyad-jabkiisa.

Intaas waxaa dheer, daafaca reer Holland wuxuu u muuqday inuu si dadban u dalbaday in kooxda lasii xoojiyo. Isagoo xusaya iibkii Darwin Núñez (oo aaday Sacuudiga) iyo Luis Díaz (oo aaday Bayern), wuxuu yiri, “Waxaan qabaa inay mar walba jirto meel weeraryahan looga baahan yahay si aan isu xoojinno, marka aan aragno waxa uu suuqu keeno.”

Tababare Arne Slot ayaa isna ka hadlay suuqa kala iibsiga ee kooxda, isagoo sharraxay in kadib labo sano oo aamusnaan ah, ay ahayd “waqti fiican oo tamar cusub lagu keeno kooxda.” Wuxuu qiray inay waayeen “afar ciyaaryahan oo safka hore ah,” sida Trent Alexander-Arnold oo isagu doonayay inuu baxo.

Slot wuxuu sidoo kale dhaliilay qaabka ay kooxdiisu u difaacantay kulankii barbaraha 2-2 ahaa. “Haddii aad rabto inaad horyaalka ku tartanto, mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan waa inaadan iska fasaxin fursado, iska daa goolale,” ayuu yiri. “Waxaan qabaa inaan fursado badan bixinay.”

Inkastoo guuldarradu ay jirto, tababaruhu kama uusan welwelin cadaadiska. “Sababtoo ah waxaan nahay Liverpool. Cadaadis mar walba wuu jiraa,” ayuu ku adkaystay.

Hadallada ka imaanaya Liverpool waxay muujinayaan sawir cad. Inkastoo tababaruhu uu diiradda saarayo hagaajinta kooxda hadda jirta, kabtanku wuxuu dareensan yahay in weeraryahan kale loo baahan yahay. Iyadoo sheekada Alexander Isak ay weli socoto, toddobaadyada u dambeeya ee suuqa ayaa noqon doona kuwo xiiso leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *