
Xiddiga weyn ee kooxda Liverpool, Mohamed Salah, ayaa mar kale magaciisa ku qoray buugaagta taariikhda kubadda cagta Ingiriiska, isagoo Talaadadii loo magacaabay ku guuleystaha abaalmarinta PFA Player of the Year ee sanadka 2025. Guushan waxay ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay abid ee abaalmarintan sharafta leh ku guuleysta seddex jeer.
Xiddiga reer Masar wuxuu abaalmarintan ku garaacay liis ay ka buuxaan xiddigo waaweyn oo Premier League ah, oo ay ku jiraan Bruno Fernandes (Man Utd), Alexander Isak (Newcastle), Cole Palmer (Chelsea), Declan Rice (Arsenal), iyo saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Alexis Mac Allister.
Guusha Salah waxay timid kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo 2024-25 ah, kaasoo uu si shaqsi ah u domineeyay. Wuxuu kooxdiisa Liverpool ku hoggaamiyey hanashada horyaalka Premier League, isagoo sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka isagoo dhaliyey 29 gool iyo sidoo kale caawiyaha ugu sarreeya isagoo sameeyay 18 caawin.
Tani waa markii seddexaad ee uu Salah ku guuleysto abaalmarintan, isagoo horey u qaaday sanadihii 2017–18 iyo 2021–22. Wuxuu hadda ka sarreeyay liis halyeeyo ah oo abaalmarintan labo jeer ku guuleystay sida Kevin De Bruyne, Cristiano Ronaldo, Thierry Henry, iyo Gareth Bale.
Waxa guushan kasii dhigaysa mid gaar ah ayaa ah inay tahay markii ugu horreysay ee uu Salah abaalmarintan ku guuleysto sanad ay kooxdiisu sidoo kale horyaalka qaaday. Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool horyaalka qaaday, abaalmarinta waxaa la siiyey Kevin De Bruyne.
Inkastoo guuldarrooyinkii Liverpool ee tartamada kale ay hoos u dhigi karaan fursadihiisa abaalmarinta weyn ee Ballon d’Or, guushan PFA waxay si buuxda u aqoonsanaysaa qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa iyo sida uu u ahaa ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka ugu adag adduunka.