
Kooxda Arsenal ayaa la siiyey isku aad adag laakiin xiiso badan oo wejiga horyaalka ee Champions League, kaasoo arki doona halyeeygii Tottenham ee Harry Kane oo kusoo laabanaya Waqooyiga London iyo safar adag oo ay ku tagayaan San Siro.
Maadaama ay Gunners ku jirtay dheriga labaad (Pot 2), waxaa la hubay inay la ciyaari doonto kooxo waaweyn. Kulanka ugu weyn ee ay garoonkooda ku ciyaari doonaan waa kan ay la leeyihiin kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich, kulankaasoo siin doona Harry Kane fursad uu markale kaga hor yimaado kooxdii ay sida weyn u xafiiltami jireen.
Kulamada martida ah, kan ugu adag wuxuu noqon doonaa safarka ay ku tagayaan Talyaaniga si ay ula ciyaaraan kooxda Inter Milan. Waxay sidoo kale la ciyaari doonaan kooxda adag ee Atlético Madrid gurigooda.
Isku aadka Arsenal waxaa sidoo kale ku jira safarro dhaadheer oo ay ku tagayaan Kazakhstan si ay ula ciyaaraan Kairat Almaty iyo Giriigga oo ay kula ciyaarayaan Olympiacos.
Isku Aadka Buuxa ee Arsenal:
- Kulamada Guriga: Bayern Munich, Atlético Madrid, Olympiacos, Kairat Almaty
- Kulamada Martida: Inter Milan, Club Brugge, Slavia Prague, Athletic Club
Waa isku aad si dhab ah u tijaabin doona awoodda kooxda Mikel Arteta ee tartanka Yurub.