
Garnacho ayaa helay kooxdii uu ka sii ciyaari lahaa Premier League kadib markii ay isku dhaceen tababaraha Man Utd Ruben Amorim.
Xiddiga reer Argentina Alejandro Garnacho ayaa kusii jeeda kooxda Chelsea kadib markii la sheegay in Blues iyo Manchester United ay gaareen heshiis ku aaddan iibka ciyaaryahanka.
Sida uu sheegay wargeyska The Athletic maanta oo Khamiis ah, heshiiska guud wuxuu isugu jiraa £40 milyan oo ginni oo lacag toos ah iyo 10% oo Man United ay ka helayso iibkiisa mustaqbalka. Garnacho ayaa qalinka ku duugi doona heshiis todobo sano ah, iyadoo baaritaankiisa caafimaadka loo qorsheeyay maalinta Jimcaha.
21-jirkan ayaa si joogto ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo dibadda, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu ku adkaystay inuu iska sii joogo Premier League haddii uu ka tagayo Man Utd. Calaamadaha bixitaankiisa ayaa soo baxay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu ka cawday qaabkii loo adeegsaday ciyaartii finalka Europa League ee ay guuldarrada kala kulmeen Tottenham Hotspur.
Sida la sheegay, tababare Ruben Amorim ayaa ku wargeliyay inuu raadsado koox cusub dhamaadkii xilli ciyaareedka, isagoo u arkayay inuusan qorshihiisa ku jirin. Ciyaartoyda kale ee lala xiriirinayo inay ka tagayaan kooxda waxaa ka mid ah Antony, oo u muuqda inuu diiradda saarayo ku laabashada Real Betis, iyo Jadon Sancho.
Waxaa xusid mudan in Marcus Rashford uu isna mar kale amaah kaga tagay kooxda xagaagan, isagoo ku biiray Barcelona.
Garnacho wuxuu ku biirayaa kooxda Chelsea oo haysata hanti weerar oo aad u badan. Blues waxay horey ula soo saxiixatay João Pedro, Liam Delap iyo Jamie Gittens xagaagan, halka ay sidoo kale keensadeen Estêvão. Kooxda Enzo Maresca waxay weli haysataa xiddigo ay ka mid yihiin Cole Palmer iyo Pedro Neto.
Guud ahaan, Garnacho wuxuu noqonayaa saxiixii sagaalaad ee ay Chelsea samayso xagaagan. Tallaabadan ayaa timid xilli Blues lala xiriirinayay xiddiga kooxda RB Leipzig ee Xavi Simons. Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Chelsea ay ku dhowdahay heshiis ay Christopher Nkunku ugu dirto kooxda AC Milan.
Xiddiga reer Argentina ayaa 93 kulan oo Premier League ah u saftay Man Utd, isagoo u dhaliyay 16 gool isla markaana caawiyay 8 kale.