
Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa heshay war aad u xun kahor kulanka ay Sabtida booqanayaan kooxda Fulham, kadib markii tababare Enzo Maresca uu xaqiijiyay in xidigooda ugu muhiimsan, Cole Palmer, uu garoomada ka maqnaan doono.
Palmer ayaa la dhibtoonaya dhaawac kasoo gaaray gumaarka (groin) todobaadkii hore.
Sidee Wax u Dhaceen?
Warka murugada leh ayaa soo baxay Jimcihii hore (August 22, 2025) kahor kulankii Chelsea ay la ciyaartay West Ham. Palmer, oo lagu soo bilaabay shaxda kooxda, ayaa dareemay xanuun xilligii uu isku diirinayay ciyaarta kahor, taasoo keentay in gebi ahaanba laga saaro liiska ciyaartoyda.
Baaritaano lagu sameeyay kadib ayaa xaqiijiyay inuu dhaawac kasoo gaaray gumaarka, waxaana la sheegay inuu garoomada uga maqnaan doono muddo aan la cayimin. Xiddigan reer England ayaa xitaa seegay tababarkii kooxda ee toddobaadkan.
Muddada uu Maqnaanayo
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin xilliga uu soo laaban doono, wararka ayaa sheegaya in aysan u badneyn inuu taam u noqdo kahor inta aan la aadin kulamada caalamiga ah ee foodda inagu soo haya (international break). Tani waxay ka dhigan tahay inuu seegi karo kulamo dhowr ah.
Maxuu Yiri Tababare Maresca?
Isagoo la hadlayay warbaahinta Jimcihii maanta (August 29, 2025), Maresca wuxuu yiri:
“Cole waa maqan yahay, Benoit [Badiashille] waa maqan yahay, Romeo [Lavia] waa maqan yahay. Inta kale way fiican yihiin. Xaaladda Cole, waa inaan eegnaa maalinba maalinta ka dambaysa.”