
Real Madrid ayaa wajaheysa kooxda Mallorca maalinta Sabtida (August 30, 2025), waana kulankoodii ugu dambeeyay kahor inta aan la aadin kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada. Hadafka kooxda waa in ay gaaraan guushoodii seddexaad oo xiriir ah, taasoo u noqon doonta bilow fiican xilli ciyaareedka ay doonayaan inay horyaalka kala soo laabtaan kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
Tababare Xabi Alonso ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta oo Jimce ah (August 29, 2025) kaga jawaabay su’aalo badan oo ku saabsan kooxdiisa, arrinta Dani Ceballos, iyo isku aadka Champions League.
Waa kan waxa uu yiri tababaruhu:
Ujeedka Kulanka Mallorca
“Waxaan dooneynaa inaan soo afjarno qeybtan hore ee seddexda kulan, anagoo horumar samaynayna. Tallaabo ayaan horey u qaadnay kulankii Oviedo, waxaana dooneynaa inaan mid kale qaadno kulanka Mallorca, innagoo tartamayna, guuleysanayna, isla markaana si fiican ugu ciyaarayna gurigeena. Waxaan rabnaa in dadku ay jeclaadaan kooxda, annaguna sidoo kale, si aan guul ugu soo xirano kahor fasaxa [xulalka].”
Dhacdooyinka Cunsuriyadda
“Meel kasta oo aan tagno, waxaan filaynaa jawi tartan, waana inaan ka jawaabnaa duruufaha. Had iyo jeer waxaa jira dhacdooyin aan fiicnayn oo garoomada qaar ka dhaca. Marka ay jiraan falal cunsuriyadeed, hay’adaha awoodda u leh waa inay soo farageliyaan, laakiin annaga diiraddeenu waa inay saarnaato shaqada garoonka dhexdiisa, taasoo ah waxa ugu muhiimsan.”
Isku Aadka Champions League
“Waa guruub adag, laakiin sidoo kale dhiirigelin leh marka loo eego kooxaha nala soo aaday. U safrida Kazakhstan waa xaalad gaar ah. Waa inaan eegnaa halka aan tartanka kaga jirno. Waa inaan sameynaa diyaar garowga saadka ee ugu wanaagsan ee suurtogalka ah.”
Arrinta Dani Ceballos
“Waan la hadlay isaga. Waxba isma beddelin. Halkan ayuu joogay, waana xubin kale oo ka tirsan kooxda. Waan ku faraxsanahay inuu halkaan joogo. Faahfaahinta wixii dhacay isaga ayay u fiican tahay inuu ka hadlo, laakiin waxay u muuqataa in go’aanku yahay mid kama dambays ah. Wuxuu sii yeelan doonaa doorkii uu lahaa. Aragtidayda kama beddelayso.”
Xaaladda Fede Valverde
“Wuxuu u muuqdaa mid aad u fiican, waa ciyaaryahan fure noo ah maalin kasta sababtoo ah hoggaamintiisa uu garoonka ku muujiyo iyo sida uu u dhiirigeliyo kuwa ku hareeraysan. Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga.”
Xaaladda Vinicius Jr.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay Vini Jr. Waxaan sheegay ciyaartii Oviedo kadib. Wuxuu muujiyay inuu saameyn wanaagsan ku yeelan karo isagoo keydka ka yimid. Waxaan doonayaa inuu yeesho xilli ciyaareed cajiib ah. Wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan fure u ah kooxda.”
Qorshaha Eduardo Camavinga
“Aad ayaan ugu hamuun qabaa inaan dib u helo. Wuxuu noo keeni doonaa wax badan, sababtoo ah wuxuu leeyahay tayooyin badan oo u qalma ciyaaryahan casri ah. Wuxuu leeyahay firfircooni iyo tayo wanaagsan. Booskiisa wuu heli doonaa.”
Booska Rodrygo
“Boosas kala duwan ayuu ka soo ciyaaray. Laakiin waxaan u malaynayaa in boos aad u wanaagsan u yahay garabka bidix ee weerarka, isagoo raadinaya hal-ka-hal, isla markaana sii wadaya ciyaarta.”
Suuqa Kala Iibsiga (Ma xiran yahay liiska kooxdu?)
“Malaha, laakiin ma doonayo inaan ku degdego inta uusan xirmin. Had iyo jeer waan feejiganahay, laakiin aan sugno oo aragno. Sidaas ayay u muuqataa.”