
Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa weeraryahanka da’da yar ee reer Argentina, Alejandro Garnacho, kaasoo ay kala soo wareegtay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Manchester United.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, heshiiskan wuxuu si buuxda u dhamaaday kadib markii ay labada kooxood ku heshiiyeen qiimo dhan £40 milyan oo Ginni, oo ay ku jirto 10% boqolkiiba iibka mustaqbalka. 21-jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis todobo sano ah, wuxuuna tijaabada caafimaadka mari doonaa Jimcaha.
Heshiiskan waxaa si weyn u riixay ciyaaryahanka laftiisa, kaasoo si cad u sheegay inuu doonayo “Chelsea oo kaliya ama waxba” kadib markii uu ka hoos dhacay qorshaha tababaraha cusub ee Man United, Ruben Amorim.
Wareysigiisii ugu horreeyay, Garnacho wuxuu muujiyey farxaddiisa. “Waa daqiiqad cajiib u ah qoyskayga iyo aniga inaan ku biiro kooxdan weyn,” ayuu yiri. “Inaan ku biiro horyaallada adduunka waa wax gaar ah – waxaan nahay kooxda adduunka ugu fiican!”
Garnacho wuxuu noqonayaa saxiixii ugu dambeeyay ee weerarka ee ay Chelsea samayso xagaagan, isagoo raacaya xiddigo kale oo tayo leh sida João Pedro, Liam Delap, Jamie Gittens, iyo Estêvão.