“Qaladaad Caruureed Ayaad Samaynaysaan!” – Rodri oo ku Qarxay Xiddigaha Man City Guuldaradii Brighton

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Rodri, ayaa si weyn u xanaaqay kadib guuldarradii kooxdiisa kasoo gaartay Brighton maanta oo Axad ah, isagoo saaxiibadiis ku eedeeyay inay sameeyeen “qaladaad caruureed.”

Kooxda Pep Guardiola ayaa lumisay hoggaan ay ciyaarta ku hayeen, waxaana looga dhaliyay labo gool 23-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta, taasoo u horseeday guuldarradoodii labaad oo xiriir ah ee horyaalka.

Qaab ciyaareedkii liitay ee City ay ku soo bandhigtay garoonka Amex Stadium ayaa kiciyay carada Rodri. Kooxda heysata horyaalka ayaa u hoggaansantay guuldarradoodii labaad, kadib markii goolal ay dhaliyeen James Milner iyo Brajan Gruda ay guul soo laabasho ah siisay kooxda martida loo ahaa.

Guuldarradan Axadda ayaa ah markii ugu horreysay ee City ay lumiso labo ka mid ah seddexdeedii kulan ee ugu horreeyay horyaalka intii uu joogay Guardiola. Natiijadan waxay City uga dhigtay inay ku jiraan kaalinta 12-aad ee kala sarreynta.

Inkastoo ay City ciyaareen kubbad wanaagsan, haddana awoodi waayeen inay abuuraan fursado marka laga reebo goolkii Erling Haaland. Rodri ayaa ku eedeeyay kooxda inay sameeyeen qaladaad waaweyn, sida rigooradii uu gacanta ku sababay Matheus Nunes iyo sida daafaca uu “hurdo u galay” goolkii guusha ee Brighton.

Maxuu Yiri Rodri?

Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta kadib, Rodri ma uusan la gaban hadalkiisa wuxuuna yiri:

“Waan niyad jabsanahay sababtoo ah waxaan nahay Manchester City, waxaana halkaan u nimid inaan badino, laakiin tani waa xaqiiqda. Heerkeenii saxda ahaa kuma aanan jirin muddo aad iyo aad u dheer.”

“Qeybtii hore sifiican ayaan ku bilownay laakiin qeybtii labaad waxyar ayaan hoos u dhacnay. Kadib labo qalad ayaan sameynay waxayna noqotay 2-1.”

“Ma garanayo, sidaad doonto u wac. Waa arrin ku saabsan kooxda, isbeddelada, ciyaartoyda cusub waa inay la qabsadaan. Laakiin tani ma ahan cudurdaar, waana inaan aragnaa inaysan tani ahayn jidka lagu gaaro guulaha.”

Wuxuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisii ugu kululaa: “Qaladaadka qaarkood oo aan samaynayno waa qaladaad caruureed, ma foojignidin mana feejignidin. Xaqiiqdu waxay tahay, waa inaan kor u qaadnaa heerkeena haddii aan dooneyno inaan tartano.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *