
Kooxda Manchester United ayaa ugu dambayn u muuqata inay go’aan ka gaartay dookheeda goolhayaha cusub ee ay kula soo saxiixanayso maalinta ugu dambaysa suuqa, iyadoo warar cusub ay si weyn u sheegayaan inay doorbiday saxiixa xiddiga da’da yar ee reer Belgium, Senne Lammens, halkii ay ka dooran lahayd Emi Martínez.
Baacsiga ay United ugu jirtay goolhaye cusub ayaa si weyn u xoogeystay kadib bilawgii adkaa ee xilli ciyaareedka ee ay soo bandhigeen Altay Bayındır iyo André Onana. Liiska kooxda ayaa lagu soo koobay labo magac: Martínez oo khibrad leh iyo Lammens oo da’ yar.
Inkastoo ay labada goolhayeba heshiis shaqsi ah la gaareen United, haddana kooxdu waxay dooratay inay la heshiiso kooxda Royal Antwerp. Sida ay sheegtay The Athletic, United waxay oggolaatay inay bixiso €21 milyan (£18.2 milyan) oo hordhac ah, iyadoo Lammens laftiisu uu oggolaaday heshiis shan sano ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Belgium ayaa sheegaya in 23-jirkan uu isku diyaarinayo inuu usoo duulo England si uu u riixo in heshiisku uu dhaco ka hor inta uusan suuqu xirmin.
Go’aankan wuxuu dharbaaxo ku yahay Emi Martínez, kaasoo si weyn u doonayay inuu ku biiro Old Trafford. Laakiin waxay u muuqataa in United ay doorbiday inay maalgashato mustaqbalka fog ee Lammens halkii ay ka bixin lahayd qiimaha sare ee lagu xiray Martínez.