RASMI: Liverpool oo ku dhawaaqday Saxiixa Rikoodhka ah ee Alexander Isak & Hadalkiisii Ugu Horreeyay

Wararka Suuqa Kala Iibsiga
Wararka Suuqa Kala Iibsiga

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa weeraryahanka Alexander Isak oo ay kala soo wareegtay Newcastle United, iyagoo jabiyay rikoodhka suuqa kala iibsiga ee Britain markii labaad xagaagan.

Kadib markii ay ku guuleysteen horyaalka Premier League sanadkii hore, Liverpool waxay lacago rikoodh ah ku bixisay sidii ay u difaacan lahaayeen horyaalkooda. Heshiiska Isak oo ku kacay £125 milyan oo ginni ayaa yimid kadib markii ay horay £116 milyan oo ginni ugala soo wareegeen Florian Wirtz.

Xagaaga Waaalida ah ee Liverpool

Liverpool ayaa si weyn isku xoojisay xagaagan. Marka laga soo tago Isak iyo Wirtz, waxay sidoo kale la soo saxiixdeen xiddigo ay ka mid yihiin Hugo Ekitiké, Milos Kerkez, iyo Jeremie Frimpong. Imaatinka Isak ayaa ka dhigan in qarashka Liverpool ee xagaagan uu si weyn uga sarreeyo £400 milyan oo ginni.

Heshiiskan ayaa soo gabagabeeyay sheeko dheer oo suuqa ka taagnayd tan iyo markii Liverpool ay dalab hore oo £110 milyan ah ka gudbisay Isak, kaasoo markii dambe si fagaare ah u sheegay inuu doonayo inuu ka tago Newcastle.

Hadalkii Ugu Horreeyay ee Isak

Isagoo la hadlayay warbaahinta kooxda markii la shaaciyay heshiiska, Isak wuxuu yiri:

“Wuxuu ahaa safar dheer inaan halkaan imaado. Laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo kooxdan, naadigan iyo wax walba oo ay u taagan tahay. Waa wax aan ku faanayo, aad ayaana ugu hamuun qabaa. Waxaan filayaa inaan wax badan ku soo kordhin karo, sidoo kalena wax badan aan horumarin karo. Weeraryahan ayaan ahay laakiin waxaan mar walba rabaa inaan siiyo kooxda intii karaankeyga ah, gaar ahaan goolal laakiin wax intaas ka badan sidoo kale.”

“Waxaan doonayaa inaan wax walba ku guuleysto… Haa, sidaas ayay u fududahay.”

“Waan ku faraxsanahay in heshiisku dhamaaday, inaan shaqada ku laaban karo. Waxaan sugayaa inaan arko saaxiibadayda cusub, taageerayaasha, iyo inaan garoonka ku laabto.”

Qorshaha Tababare Slot

Tababare Arne Slot ayaa si fagaare ah u codsaday in loo keeno weeraryahan cusub kadib bixitaankii Darwin Núñez iyo Luis Díaz. Markii la weydiiyay sida imaatinka Isak uu u saameyn doono Hugo Ekitiké oo isna qaab ciyaareed fiican ku jira, tababaraha ayaa ku adkeystay inuu doonayo in labadooduba ay wada ciyaaraan si ay u sameeyaan iskaashi weerar oo wax burburiya.

Isak ayaa ahaa mid ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya Premier League intii uu joogay England, isagoo u dhaliyay Newcastle 54 gool seddex xilli ciyaareed gudahood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *