
Kooxaha Premier League ayaa ku bixiyay in ka badan £3 bilyan oo ginni ($4.06b) intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan ee 2025-26, iyagoo si weyn u burburiyay rikoodhkii hore ee horyaalka.
Kooxda Liverpool ayaa ahayd tan ugu qarashka badneyd horyaalka Ingiriiska, iyagoo bixiyay in ka badan £400 milyan oo ginni. Saxiixa Alexander Isak oo ay maalintii ugu dambeysay kala soo wareegeen Newcastle, kaasoo ku kacay rikoodhka Britain ee ah £125 milyan, ayaa ahaa heshiiskii ugu weynaa ee suuqa.
Inkastoo Reds ay ugu qarash badneyd, haddana ma ahayn kooxda kaliya ee lacagaha badan bixisay, iyadoo kooxaha Arsenal, Chelsea, Manchester United iyo Newcastle ay dhammaantood midkiiba dhaafisay £200 milyan oo ginni.
Sida ay sheegtay BBC Sport, wadarta guud ee ay bixiyeen kooxaha Premier League waa £3.087 bilyan oo ginni, taasoo si weyn uga sarreysa rikoodhkii hore oo ahaa £2.36 bilyan, kaasoo la dhigay xagaagii 2023.
Falanqaynta Khabiirka
Tim Bridge, oo ah agaasimaha kooxda Deloitte Sports Business Group, ayaa sharraxay sababta ka dambeysa qarash gareyntan baaxadda leh:
“Markii seddexaad oo afar sano gudahood ah ee la jabiyo rikoodhka qarash gareynta waxay diraysaa farriin xooggan oo ah in kooxuhu aysan qorsheyneynin inay hoos u dhigaan maalgelintooda, inkastoo qarash gareyn hooseysa ay ka jirto qaaradaha kale ee Yurub.”
“Iyadoo kooxo Ingiriis ah oo ka badan sidii hore ay ku tartamayaan Yurub, kooxaha Premier League waxay doonayaan inay soo jiitaan tayada ugu fiican si ay usii adkeeyaan maqaamka horyaalka ee ah kan ugu tartanka adag kubadda cagta adduunka.”
“Si kastaba ha ahaatee, waartaanka dhaqaale waa inuu weli udub dhexaad u ahaadaa ganacsi kasta si loo dhiirigeliyo guusha muddada dheer ee naadi kasta oo kubadda cagta ah.”
Suuqyadii Ugu Qaalisanaa Taariikhda Premier League
| Suuqa | Wadarta Guud ee la Bixiyay |
| Xagaaga 2025 | £3.08 Bilyan |
| Xagaaga 2023 | £2.36 Bilyan |
| Xagaaga 2024 | £2.08 Bilyan |
| Xagaaga 2022 | £1.92 Bilyan |
| Xagaaga 2017 | £1.43 Bilyan |