
Halyeeyga Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ka hadlay qaar ka mid ah wararka suuqa kala iibsiga ee ugu waaweynaa, wuxuuna kashifay in goolhayaha Real Madrid ee Thibaut Courtois uu taageeray go’aankii ay kooxdiisii hore kula saxiixatay Senne Lammens.
United ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa heshiis dhan £18.2 milyan kula soo wareegtay goolhayaha reer Belgium ee Lammens, iyagoo sidoo kale wadahadallo la yeeshay goolhayaha Aston Villa ee Emiliano Martínez.
Amaanantii Courtois
Iyadoo dad badan ay shaki ka qabeen saxiixan cusub, Ferdinand ayaa muujiyay fariin cod ah (voice note) oo uu ka helay Courtois oo amaanaya Lammens.
“Si aad u ogaataan, fariintaas codka ah waxay ka timid Thibaut Courtois. Wuxuu xog iga siiyay Lammens maadaama uu yahay ciyaaryahan reer Belgium ah,” ayuu Ferdinand ku yiri barnaamiskiisa YouTube-ka.
“Wuxuu yiri waa tayo weyn, iska cad inuusan weli khibrad lahayn laakiin wuxuu aaminsan yahay in qaab ciyaareedkiisu uu aad ugu habboon yahay Premier League sidoo kale.” Ferdinand ayaa intaas ku daray: “Marka waa amaan ka timid malaha mid ka mid ah seddexda goolhaye ee adduunka ugu fiican, taas waan qaadanayaa.”
Walwalka Ferdinand & Doorbidistiisii Martínez
In kasta oo uu qaatay amaantii Courtois, Ferdinand wuxuu qiray inuu shaki ka qabo haddii United ay awooddo inay sugto inta ay tayadani kasoo dhex baxayso.
Wuxuu intaas ku daray inuu si shaqsi ah u doorbidi lahaa in kooxdu ay la saxiixato Emiliano Martínez.
“Waxa aan dhihi lahaa waa inaan gebi ahaanba la dhacsanaa Emi Martinez,” ayuu yiri Ferdinand.
“Waxaan u maleynayaa khibraddiisa, wuxuu leeyahay shaqsiyad, dabeecad, wuxuu u ciyaaraa Argentina oo cadaadisku uu yahay mid aad u weyn, wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka, wuxuuna ahaa mid ka mid ah sababihii ay ugu guuleysteen.”
“Man United waxay u baahan tahay shaqsiyad inta ay u baahan tahay tayo, waxaana u maleynayaa inuu shuruudahaas si buuxda u buuxinayo.”