
Dhammaan wararka ciyaaraha maanta ee kasoo baxaya kooxda Arsenal waxay diiradda saarayeen xaaladda William Saliba, balse tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in daafaca uu kusoo laabtay tababarka kahor kulanka Nottingham Forest ee Sabtida.
Saliba ayaa garoonka ka baxay isagoo shan daqiiqo kaliya ciyaaray kulankii guuldarrada ay kala kulmeen Liverpool, kadib dhaawac canqowga ah oo soo gaaray intii lagu jiray isku diirinta. Tababare Arteta ayaa markaas shaaca ka qaaday in Saliba uu isku dayay inuu ku ciyaaro xanuunka laakiin uu awoodi waayay.
Hadalkii Arteta ee Saliba
Iyadoo wararkii hore ay sheegayeen in 24-jirkan uu garoomada ka maqnaan karo ilaa hal bil, Arteta ayaa meesha ka saaray wararkaas xanta ah maanta oo Jimce ah.
“Wilo maanta ayuu tababartay, sidaas darteed go’aan ayaan ka gaari doonnaa haddii aan ciyaarsiinayno iyo in kale, waa war aad u wanaagsan,” ayuu yiri Arteta.
Tababaraha reer Spain wuxuu sidoo kale haystaa daafaca cusub ee Piero HincapiƩ kaasoo diyaar ah inkastoo uu kaliya labo maalmood la tababartay kooxda.
Wararka Kale ee Dhaawacyada
Arteta wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda ciyaartoyda kale ee dhaawacan:
- Bukayo Saka: “Si wanaagsan ayuu usoo kabanayaa, laakiin wuxuu weli ku jiraa shaqo gaar ah,” ayuu yiri Arteta, isagoo meesha ka saaray inuu ciyaarayo kulankan.
- Ben White: Wuxuu kusoo laabtay tababarka.
- Kai Havertz: Wuxuu kusii siqayaa soo laabasho kadib qalliin jilibka looga sameeyay.
Dhanka kale, kooxda ay la ciyaarayaan ee Nottingham Forest ayaa iyana waxaa dhaawac weyn ka maqan daafaceeda midig ee Ola Aina kaasoo garoomada ka maqnaan doona ilaa seddex bilood.