
Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa hoos u dhigay muhiimadda go’aankiisii ahaa inuu keydka geliyo Vinícius Júnior kulankii ugu horreeyay ee Champions League ee xilli ciyaareedkan, isagoo ku adkeystay inuu “u baahan yahay” ciyaaryahan kasta oo kooxda ka tirsan.
Vini Jr. wuxuu ciyaarta ku bilaabay isagoo keydka fadhiya, waxaana la soo geliyay qeybtii labaad ee ciyaarta. Alonso wuxuu doortay inuu garabaha weerarka kusoo bilaabo Rodrygo iyo Franco Mastantuono.
Xiddiga reer Brazil wuxuu saameyn wanaagsan yeeshay markii la soo geliyay, iyadoo ciyaartu ay ahayd barbaro 1-1 ah. Vinícius wuxuu ku sigtay inuu guusha keeno, daqiiqado kahor inta aysan dhab ahaan guusha xaqiijinin rigooradii labaad ee Mbappé.
Alonso wuxuu sharxay in isku shaandheynta oo kaliya ay ka dambeysay go’aankiisa, aysan jirin wax si ula kac ah loogu waxyeeleynayo ciyaaryahanka ku guuleystay kaalinta labaad ee Ballon d’Or 2024.
“Waxaan u baahanahay Vini, Rodrygo, Franco, Brahim [Díaz],” ayuu Alonso ku nuuxnuuxsaday. “Haddii ay jiraan wadahadallo gaar ah, waxay ku harayaan Valdebebas [xarunta tababarka Madrid] ama qolka labiska.”
Wuxuu intaas ku daray: “Ciyaaryahan walba wuxuu heli doonaa waqtigiisa. Qofna waa inuusan dareemin in la dhibay haddii uusan ciyaarin kulan, jadwalka ayaa ah mid aad u culus.”
Real Madrid waxaa horyaalla jadwal aad u mashquul badan inta ka dhiman bisha September, iyagoo la ciyaaraya kooxaha Espanyol, Levante, Atlético Madrid iyo Kairat Almaty, taasoo xoojinaysa baahida loo qabo isku shaandheynta.