Yamal oo maqan! Barcelona oo xaqiijisay inuu seegayo kulanka Newcastle laakiin ay heshay war wanaagsan oo ku saabsan De Jong

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Lamine Yamal diyaar uma noqon doono kulanka furitaanka Champions League ee ay la ciyaarayaan Newcastle maalinta Khamiista, taasoo niyad jab weyn ku ah tababare Hansi Flick. Laakiin warka wanaagsan ayaa ah in Frenkie de Jong lagu soo daray liiska kooxda ee ciyaartaas.

Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska ciyaartoydeeda ee kulanka Champions League, waxaana si weyn looga dhex waayay Yamal, kaasoo la dhibtoonaya dhaawac kasoo gaaray lafta misigta oo uu kasoo qaaday xulka Spain.

Tababare Flick ayaa si weyn u dhaleeceeyay xulka Spain, isagoo ku eedeeyay inaysan si taxadar leh ula dhaqmin Yamal. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Yamal la siiyay irbad dhabarka ah si looga yareeyo xanuunka, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman bisha September, iyadoo la rajeynayo inuu kusoo laabto kulanka weyn ee ay la leeyihiin Paris Saint-Germain 1-da Oktoobar.

Dhanka kale, Frenkie de Jong, oo seegay kulankii Valencia kadib dhaawac fudud oo uu kasoo gaaray xulka Netherlands, ayaa u muuqda inuu taam u yahay inuu qeyb ka noqdo kulanka Newcastle, haddii uusan xitaa kusoo bilaaban.

Inta uu Yamal maqan yahay, waxaa la filayaa in Raphinha uu u wareego garabka midig, halka Marcus Rashford uu kasoo muuqan doono shaxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *