
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa soo jeediyay in qiimaha khadka dhexe ee kooxdiisa Dominik Szoboszlai uu yahay £100 milyan ($136.5m), isagoo uga jawaabaya falanqeeyayaasha uu ku eedeeyay inay “jecel yihiin” kooxaha kale.
Liverpool waxay si weyn wax u iibsatay xagaagan iyadoo ku bixisay lacag gaaraysa £450 milyan, oo ay ku jiraan labo heshiis oo rikoodhka Britain ah oo ay kula soo wareegeen Florian Wirtz (£116m) iyo Alexander Isak (£125m). Waa lacagtii ugu badneyd ee ay hal koox oo Premier League ah ku bixiso hal suuq.
Si kastaba ha ahaatee, Reds waxay sidoo kale heshay lacag gaaraysa £226 milyan oo ay ka heshay iibka ciyaartoyda sida Darwin Núñez, Luis Díaz iyo Caoimhín Kelleher.
Slot ayaa ku adkeystay in dhinacaas iibka si fudud loo iloobayo, wuxuuna sheegay in ciyaartoyda cusub ay ku biireen koox ay horay u joogeen ciyaartoy qiimo la mid ah leh. Sidaas darteed, si loo sii xoojiyo kooxdaas, waxaa qasab ah in lacag badan la bixiyo.
“Marar badan waxaa diiradda la saaraa saxiixyadeena cusub, gaar ahaan falanqeeyayaasha jecel, ma ahan annaga, laakiin qaar ka mid ah kooxaha kale ee dalka oo aan joojin karin ka hadalka £450 milyan,” ayuu Slot yiri.
“Anigaa ku celinaya £450 milyan, £450 milyan laakiin mar walba way iloobaan £300-kii milyan ee aan iibinay.”
“Ciyaartoydan aan keenay waa lacag badan laakiin waxay hadda la ciyaarayaan ciyaartoy u qalma lacag la mid ah. Haddii aan dooneyno inaan xoojino kooxda waa inaan bixinaa lacagtaas. Haddii aan berri iibin lahayn Dominik Szoboszlai isaguna wuxuu u qalmi lahaa £100 milyan.“
Tababaraha ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Waxaan u maleynayaa inay tahay kaliya amaan in dadku ay sheegaan inaan wax badan qarash gareynay, sababtoo ah taasi waxay kuu sheegaysaa in ciyaartoyda aan keenay loo arko inay yihiin kuwo aad u wanaagsan.”