Hordhaca Carabao Cup: Arsenal oo ololaheeda ka bilaabaysa garoonka Port Vale iyadoo dhaawacyo la tacaalaysa

wararka ciyaaraha maanta
wararka ciyaaraha maanta

Kooxda Arsenal waxay caawa ololaheeda Carabao Cup ka bilaabaysaa marti ay u tahay kooxda League One ee Port Vale, iyadoo labada kooxood ay isaga hor imaanayaan markii ugu horreysay qarnigan. Cadaadiska saaran Mikel Arteta ee ah inuu koobab keeno ayaa ka dhigaya kulankan mid muhiim ah, maadaama aysan Gunners koob qaadin tan iyo FA Cup-kii 2020.

Dhanka kale, Port Vale waxay ku jirtaa xaalad adag horyaalka League One, iyagoo fadhiya kaalinta 19-aad. Si kastaba ha ahaatee, waxay horey tartankan uga soo reebeen kooxda Birmingham City.

Goorta & goobta ay tahay ciyaarta?
  • Goobta: Stoke-on-Trent, England
  • Garoonka: Vale Park
  • Taariikhda: Arbaco, September 24, 2025
  • Saacadda: 10:00 PM (Habeennimo) – Saacadda Geeska Afrika
Rikoodhka fool-ka-foolka ah

Labada kooxood kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 1998.

Warbixinta labada kooxood

Port Vale Kooxda martida loo yahay waxaa dhaawacyo kaga maqan Liam Gordon, Mitch Clark iyo Kyle John. Laakiin waxaa la filayaa inuu kusoo laabto weeraryahanka amaahda kaga yimid Wrexham ee Mo Faal.

Arsenal Arsenal waxaa ku habsaday dhibaato dhaawac oo kale, iyadoo Noni Madueke uu garoomada ka maqnaan doono labo bilood dhaawac jilibka ah. Wuxuu kusoo biirayaa liiska ay horay ugu jireen Kai Havertz, Gabriel Jesus iyo Martin Ødegaard. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeyay kusoo bilowdo daafaca Piero Hincapié, halka da’yarta Max Dowman, Myles Lewis-Skelly iyo Ethan Nwaneri ay dhammaantood la filayo inay shaxda ku jiraan.

Shaxaha la filayo (Predicted Lineups)

Port Vale (3-5-2): Gauci; Humphreys, Debrah, Heneghan; Gabriel, Croasdale, Garrity, Byers, Shorrock; Cole, Curtis.

Arsenal (4-3-3): Kepa; White, Mosquera, Hincapié, Lewis-Skelly; Nørgaard, Nwaneri, Merino; Dowman, Martinelli, Eze.

Saadaasha ciyaarta

Inkastoo ay Arsenal la daalaa dhacayso dhaawacyo, kooxdoodu weli waa mid aad u xooggan, Arteta-na wuxuu awood u yeelan doonaa inuu soo saaro shax tayo leh. Gunners waxay caado ka dhigatay inay si fudud uga gudubto kooxaha heerarkan oo kale ah sannadihii u dambeeyay. Kulankan wuxuu fursad dahabi ah u yahay da’yarta Arsenal inay muujiyaan tayadooda.

Saadaashayda: Port Vale 0 – 3 Arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *