Goolkii Ramos ee daqiiqaddii 90-aad oo burburiyay Barcelona xilli PSG ay guul ka gaartay Montjuic

wararka champions league
wararka champions league

Mid ka mid ah kulamadii loogu sugitaanka badnaa ee marxaladda group-yada Champions League, kooxda Paris Saint-Germain ayaa booqatay Montjuic waxayna 2-1 kaga adkaatay Barcelona kadib gool uu daqiiqaddii 90-aad dhaliyay Gonçalo Ramos. Guuldarradan ayaa ah mid dharbaaxo weyn ku ah kooxda Hansi Flick, oo u muuqatay mid liidata, gaar ahaan qeybtii labaad ee ciyaarta.

Qeybtii hore oo la isku miisaamay

Iyadoo labada kooxood ay ku loolamayeen maamulka ciyaarta bilowgii, Lamine Yamal ayaa ahaa midka ka dhex muuqday. Wuxuu abuuray fursad cajiib ah laakiin waa laga badbaadiyay.

Cadaadiskii joogtada ahaa ee kooxda Hansi Flick ayaa ugu dambeyn miro dhalay. Vitinha ayaa kubbad lumiyay, Pedri ayaana si degdeg ah ula orday. Wuxuu kubbad u bixiyay Marcus Rashford kaasoo karoos cajiib ah u dhigay Ferran Torres oo si sahlan shabaqa u taabsiiyay goolkii hoggaanka daqiiqadii 19-aad.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda heysata horyaalka France ayaa ka jawaabtay kahor inta aan la aadin nasashada. Nuno Mendes, oo ahaa ciyaaryahanka ugu fiican PSG qeybtii hore, ayaa orod cajiib ah sameeyay kahor inta uusan kubbad u dhex bixin Senny Mayulu, kaasoo si degan u barbareeyay ciyaarta.

Awooddii PSG ee qeybta labaad

Kooxda Luis Enrique waxay ahayd tan ka wanaagsan markii la isugu soo laabtay nasashada. Goolhaye Szczęsny ayaa sameeyay labo badbaadin oo muhiim ah si uu ciyaarta barbaro ugu sii hayo.

Ciyaartu waxay noqotay mid dagaal ah 30-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, iyadoo fursaduhu ay yaraadeen. Lee Kang-in wuxuu ku sigtay inuu guusha keeno laakiin kubbad uu toogtay ayaa birta ku dhacday.

Markii ay u muuqatay in ciyaartu ay barbaro kusoo dhammaanayso, Hakimi ayaa orod ka sameeyay garabka midig, wuxuuna soo qaaday karoos halis ah oo Gonçalo Ramos keligiis ula helay goolhayaha. Weeraryahanka reer Portugal ayaana si degan u dhameystiray, isagoo dilay rajadii Barcelona.

Guuldarradan waxay si cad u kashiftay daciifnimada Barcelona. In laga badiyo iyagoo gurigooda jooga, gaar ahaan qeybtii labaad oo si buuxda looga awood roonaaday, waa ‘digniin weyn’ oo u baahan in Flick uu si degdeg ah wax uga qabto.

Qiimeynta ciyaartoyda labada kooxood

(Qiimeynta waxaa laga soo xigtay FotMob)

Barcelona (4-2-3-1):

  • GK: Wojciech Szczęsny – 6.2
  • RB: Jules Koundé – 5.7
  • CB: Eric García – 7.2
  • CB: Pau Cubarsí – 7.0
  • LB: Gerard Martín – 7.1
  • CM: Frenkie de Jong – 6.0
  • CM: Pedri – 7.5
  • RW: Pedri – 7.2
  • AM: Dani Olmo – 6.0
  • LW: Marcus Rashford – 7.4
  • ST: Ferran Torres – 7.6

Paris Saint-Germain (4-3-3):

  • GK: Lucas Chevalier – 6.3
  • RB: Achraf Hakimi – 8.2
  • CB: Ilya Zabarnyi – 7.8
  • CB: Willian Pacho – 7.2
  • LB: Nuno Mendes – 8.1
  • CM: Warren Zaire-Emery – 6.5
  • CM: Vitinha – 7.2
  • CM: Fabián Ruíz – 7.1
  • RW: Ibrahim Mbaye – 7.3
  • ST: Senny Mayulu – 7.8
  • LW: Bradley Barcola – 7.3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *