
Kooxda Real Madrid ayaa ka fogaatay inay la kulanto guuldarradeedii labaad oo xiriir ah ee horyaalka, iyagoo guul 3-1 ah oo muhiim ah ka gaaray kooxda Villarreal garoonka Santiago Bernabéu. Guusha waxaa horseed u ahaa xiddiga reer Brazil, Vinícius Júnior, oo labo gool dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta, halka Kylian Mbappé uu goolka seddexaad raacsaday.
Guushan waxay ahayd mid aad muhiim ugu ah Real Madrid si ay dib ugu soo dhistaan kalsoonidooda kadib guuldarradii xanuunka badneyd ee Madrid derby.
Qeybtii hore oo aamusneyd
Qeybtii hore ee ciyaarta, Real Madrid waxay ku dhibtootay inay abuurto fursado badan. Fursadoodii ugu fiicneyd waxaa helay Aurelien Tchouameni oo madax la seegay goolka. Dhanka kale, Villarreal ayaa iyana heshay fursad dahabi ah, laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Thibaut Courtois.
Wacdarihii Vinícius & goolkii Mbappé
Ciyaarta ayaa si buuxda isu beddeshay qeybtii labaad. Vinícius Júnior ayaa jabiyay is-mari-waagii markii uu si xariifnimo leh u dhaafay daafaca kahor inta uusan kubbad laadin, taasoo ku leexatay daafac kale oo shabaqa gashay.
Daqiiqadii 69-aad, Vinícius ayaa mar kale saameyn yeeshay, isagoo rigoore ku helay kooxdiisa, wuuna ka faa’iideystay isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Villarreal ayaa rajo heshay markii Georges Mikautadze uu gool u soo celiyay, laakiin Kylian Mbappé ayaa rajadaas soo afjaray. Xiddiga reer France wuxuu iskaashi qurux badan la sameeyay beddelkii Brahim Diaz, wuxuuna si degan u dhaliyay goolkii seddexaad ee ciyaarta xaqiijiyay.
Guushan waxay muujisay in xitaa marka aysan si fiican u ciyaarayn, ay Real Madrid weli ku tiirsanaan karto hal-abuurka shaqsiga ah ee xiddigaheeda waaweyn.
Qiimeynta ciyaartoyda Real Madrid
(Qiimeynta waxaa laga soo xigtay FotMob)
- GK: Thibaut Courtois – 6.6
- LB: Álvaro Carreras – 7.4
- CB: Dean Huijsen – 7.8
- CB: Éder Militão – 7.0
- RB: Franco Mastantuono – 6.8
- DM: Aurélien Tchouaméni – 7.7
- CM: Dani Ceballos – 7.4
- CM: Arda Güler – 7.2
- LW: Vinícius Júnior – 9.6
- ST: Kylian Mbappé – 8.7