Manchester City ayaa isha ku haysa inay gaartoguusheyda labaad soo kabashada markii ay booqaneyso Crystal Palace oo ku jirta kaalinta 17-aad ciyaaraha Premier league.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa laga badiyay lix ka mid ah todobadii kulan ee hore ka hor inta aysan habeenkii Arbacada 3-0 kaga badin Nottingham Forest. Kevin De Bruyne ayaa ku soo laabtay safka kooxda, wuxuuna dhiiri galiyay guusha iyadoo Man City ay hoos u dhigtay farqiga u dhexeeya iyaga iyo hogaamiyayaasha horyaalka Liverpool oo leh sagaal dhibcood.
Crystal Palace ayaa xaqiijisatay guulaheeda muhiimka ah bartamihii isbuuca markii ay si dirqi ah kaga badisay Ipswich Town garoonka Portman Road. Guushii Talaadadii 1-0 ay ku badisay Jean-Philippe Mateta qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa la micno ah in Eagles ay hadda seddex dhibcood ka sareyso aagga u laabashada heerka labaad ciyaaraha premier league iyagoo ku sii jeeda kulanka adag ee Sabtida.
Wararka kooxda Man City
Man City ayaa la dhibtoonaysay dhaawacyo xilli ciyaareedkan, Pep Guardiola ayaa la kulmay dharbaaxo kale bartamihii isbuuca. Nathan Ake ayaa laga saaray dhamaadkii guushii ay ka gaareen Forest isagoo dhibaato muruqa ah qaba, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado mustaqbalka la filayo.
Phil Foden ayaa ku seegay isku dhaca xanuun, waxaana laga yaabaa inuu ku laabto Selhurst Park, laakiin Mateo Kovacic, Rodri, Oscar Bobb iyo John Stones dhamaantood lama heli doono.
Stefan Ortega ayaa ku soo bilowday labadii kulan ee ugu danbeysay ee Man City laakiin Ederson ayaa dib loogu soo celin karaa XI ka dib nasasho. Kyle Walker ayaa sidoo kale soo gali kara safka ka dib isku shaandheyn difaac oo la filayo sababtoo ah dhaawaca Ake.
De Bruyne ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeeyay tan iyo bartamihii bishii September kulankii Forest, waxaana uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa isagoo dhaliyay gool iyo caawin. Guardiola ayaa doon doona in uusan si xad dhaaf ah u shaqeynin xiddiga reer Belgian laakiin waxa uu heystaa dookh yar oo aan ahayn in uu markale ku soo bilowdo sabtida.
safka hore ee Man City
safka hore ee Man City vs Crystal Palace (4-1-4-1): Ederson; Walker, Akanji, Dias, Gvardiol; Gundogan; Savinho, De Bruyne, Silva, Doku; Haaland.
saadasha: Crystal Palace 1-2 Man City