ciyaaraha24

Wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda: Man Utd waxay isha ku haysaa badalka Onana ; Real Madrid oo qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso Szoboszlai

ciyaaraha24 ayaa soo koobay Wararka suuqa kala iibsiga ugu danbeyey, wararka xanta ah iyo xanta ku dhex wareegaysa aduunka…

Manchester United ayaa dooneysa goolhaye cusub si uu ula tartamo Andre Onana, waxaana ay indhaha ku hayaan xiddiga Botafogo ee John Victor.

Weeraryahanka Brighton & Hove Albion Joao Pedro ayaa durba wadahadalo kula jira labada Man Utd iyo Liverpool oo ku saabsan suurtagalnimada suuqa Janaayo.

Liverpool iyo Arsenal ayaa labaduba diyaar u ah inay soo bandhigaan dalabyo u dhexeeya £50m iyo £60m si ay ula soo wareegaan Joao Pedro, halka Manchester City ay sidoo kale qorsheyneyso inay dalab ka gudbiso xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil bisha Janaayo.

Barcelona ayaa kala xaajoonaysa iibinta daafaca dhexe Andreas Christensen ee Newcastle United si ay gacan uga geysato sidii loo heli lahaa dhaqaalaha loo baahan yahay si loo diiwaan geliyo Dani Olmo.

Chelsea ayaa dooneysa inay garaacdo Arsenal, Real Madrid iyo Inter saxiixa 18 jirka daafaca dhexe ee Palmeiras Vitor Reis, waxaana uu dhawaan xiriir la sameeyay 18 jirkaan.

Kooxda reer Brazil ee Botafogo ayaa diyaar u ah inay weeraryahankeeda Igor Jesus u soo bandhigto West Ham United taasoo qayb ka ah isku dayga ay kula soo wareegayaan khadka dhexe ee Lucas Paqueta.

Man City ayaa xiiseyneysa inay dib ula soo wareegto daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong.

Real Madrid ayaa la dhacsan qaabka khadka dhexe ee Liverpool Dominik Szoboszlai waxayna diyaar u yihiin inay isku dayaan inay la soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Hungary sanadka 2025.

Newcastle ayaa isku dayi doonta in ay Arsenal iyo Liverpool kula tartanto baacsiga xiddiga khadka dhexe ee West Ham Mohammed Kudus laakiin waxa ay ku qasbanaan doontaa in ay iibiso ciyaartoy ka hor inta ayna awoodin in ay ku biiraan tartanka saxiixiisa.

Aston Villa, Newcastle iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood doonaya inay la soo wareegaan khadka dhexe ee Fulham Andreas Pereira.

Tababaraha Tottenham Ange Postecoglou ayaa doonaya weeraryahan awood u leh inuu ka ciyaaro labada garab, waxaana uu sameeyay liis ay ku jiraan Andreas Skov Olsen oo ka tirsan Club Brugge, Dario Osorio oo Midtjylland ah iyo Rayan Cherki oo Lyon ah.

Daafaca dhexe ee Atalanta Ben Godfrey ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto Premier League bisha Janaayo, iyadoo Nottingham Forest iyo Wolverhampton Wanderers ay labaduba xiiseynayaan daaficii hore ee Everton.