- Manchester City ayaa finalka FA Cup ku wajihi doonta Crystal Palace ka dib markii ay 2-0 ku garaacday Nottingham Forest
- Rico Lewis ayaa daah furay goolasha laba daqiiqo gudaheed,
- Josko Gvardiol ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay City sidaas ku gaartay finalka FA Cup
wararka ciyaaraha Maanta

Manchester City ayaa u soo baxday finalka FA Cup ka dib markii ay maanta galab 2-0 kaga badiyeen kooxda adag ee Nottingham Forest garoonka Wembley. Guushan ayaa waxay City u xaqiijisay inay bisha soo socota finalka kula ciyaari doonaan Crystal Palace.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si aan caadi ahayn markii da’yarka Rico Lewis uu shabaqa soo taabtay wax ka yar laba daqiiqo markii ay ciyaartu bilaabatay. Kubad uu ka helay Mateo Kovacic geeska xerada ganaaxa Forest ayuu si qurxoon u laagay, isagoo dhaafiyay goolhayaha Matz Sels. Bilowga degdegga ah ayaa City siisay kalsooni waxayna si buuxda ula wareegeen maamulka ciyaarta.
Nottingham Forest ayaa ku dhibtoonaysay inay sameyso wax weerar rogaal celis ah oo halis ah, waxayna u muuqdeen kuwo ku adag inay ka soo kabtaan goolkii hore ee laga dhaliyay. Inkastoo City ay maamul badan haysatay, haddana fursado badan oo cad cad ma aysan abuuranin ka dib goolkii furitaanka, taasoo ka dhigtay in Forest ay hal gool gadaal ka aheyd waqtigii nasashada.
Qeybta labaad markii la soo laabtay, beddelka Anthony Elanga ayaa helay fursad dahabi ah oo uu ciyaarta ku barbareeyo, laakiin darbo uu markiiba laagay ka dib karoos uu soo qaaday Callum Hudson-Odoi ayaa meel ka baxsan goolka martay. City ayaa markaas ka faa’iideysatay qaladaadka Forest markii daafaca Josko Gvardiol uu madax qurxoon ku dhaliyay goolka labaad, isagoo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.
Inkastoo ay laba gool gadaal ka ahaayeen, Forest way diideen inay is dhiibaan maalintoodii gaarka ahayd ee Wembley. Waxay dhowr jeer u dhawaadeen inay yareeyaan farqiga, iyadoo Morgan Gibbs-White uu laba jeer ku dhuftay birta goolka ka hor inta uusan Taiwo Awoniyi sidoo kale darbo xoogan ku dhuftay birta kale.
Si kastaba ha ahaatee, nasiibku wuxuu la saftanaa Manchester City. Difaacooda adag iyo nasiib darradii Forest ee goolka hortiisa ayaa u sahashay kooxda Guardiola inay ciyaarto daqiiqadihii ugu dambeeyay iyagoo xasiloon.
Guushan ayaa waxay Manchester City u xaqiijisay inay finalka FA Cup-ka la ciyaari doonaan Crystal Palace, kaasoo noqon doona kulan kale oo xiiso badan oo ka dhici doona garoonka Wembley bisha soo socota. City waxay muujisay inay tahay koox heer sare ah, waxayna u muuqdaan kuwo u dagaallamaya inay ku guuleystaan koobab badan xilli ciyaareedkan.