Mikel Arteta ayaa qirtay in Arsenal ay ku qasban tahay inay sameyso wax gaar ah si ay u weeciso guuldarada Champions League ee Paris Saint-Germain.

  • Arsenal ayaa u baahan doonta inay garaacdo PSG usbuuca soo socda ka dib markii lugtii hore ee Emirates looga badiyay 1-0
  • Laakiin Mikel Arteta kooxdiisa ayaa awood u leh in ay iska caabiso fursadaha jira ayna gaarto finalka
  • Mikel Merino ayaa dhaliyay gool laga diiday sababo la xiriira offside,

wararka ciyaaraha Maanta

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ku adkaystay in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay “wax gaar ah” ku sameyso Paris Arbacada soo socota si ay u sii noolayso riyadeeda ah inay gaarto finalkeedii ugu horreeyay ee Champions League tan iyo sanadkii 2006.

Gunners-ka ayaa la ciyaaray ciyaar adag lugtii hore ee semi-finalka, iyadoo Ousmane Dembele uu gool dhaliyay afar daqiiqo gudahood, taas oo si weyn u dhaawacday rajadoodii.

Mikel Merino ayaa dhaliyay gool laga diiday sababo la xiriira offside, halka Goncalo Ramos uu birta garaacay dhammaadkii ciyaarta – nasiibka ayaa sidaas darteed dhinac u janjeeray.

Tani waxay ka dhigeysaa PSG inay haystaan 1-0 faa’iido ah kahor lugta labaad ee ka dhici doonta Parc des Princes.

Arteta ayaa yiri:

“Waxaan joognaa kala badh ciyaarta. Farriintaydu waa isla mida tii aan siiyay ciyaartii Real Madrid markii aan 3-0 ka hogaaminay lugta hore. Waa inaan tagnaa Paris oo aan guuleysannaa. Waxaan leenahay awood aan ku guuleysan karno.”

“Waxaan arkay laba koox oo heer sare ah, laakiin farqigu waa mid aad u yar. PSG waxay u ahayd wax-ku-oolid hortooda goolka, goolhaye Donnarumma-na wuxuu ahaa farqiga keenay natiijada aynu aragnay.”

Arteta ayaa intaas ku daray:

“Waxaan qabaa fursado badan ayaanu leenahay si aan finalka u gaarno. Sida aan mar walba leeyahay, waxaad u baahan tahay inaad wax gaar ah sameyso tartankan si aad u hesho xaqa inaad finalka tagto. Wakhtigaasna waa Paris.”

Arsenal weli ma aysan hanan koobka Yurub, iyadoo finalkii ugu dambeeyay ay joogtay uu ahaa 2006. Haddaba, riyadooda in lagu arko Munich 31ka May waxay u baahan tahay in ay guul lama ilaawaan ah ka keenaan Paris.

David Raya: Weli Waxba Ma Dhamaanin

Goolhayaha Arsenal, David Raya, ayaa isna sheegay in ay wali jiraan fursado ay guul kaga keeni karaan PSG.

“Ma arkin goolka la diiday, laakiin waxaan u baahanaynay kicintaas. 70ka daqiiqo ee ugu dambeeyay waxaan tusinay in aan ka adkaan karno koox kasta. Waxaan Paris u tagi doonaa si aan ciyaarta u guuleysanno.”

“Waxaan ciyaartay si fiican. Iyaguna waxay heleen fursado, laakiin taasi waa kubadda cagta. Weli ciyaarta lama dhameynin.”

PSG Oo Horey Uga Ciribtirtay Kooxo Premier League ah

PSG ayaa horey uga takhalustay Manchester City, Liverpool (rigoorayaal), iyo Aston Villa intii lagu jiray tartankan. Tababare Luis Enrique iyo kooxdiisa hadda waxay ku dhow yihiin inay Arsenal sidoo kale ka ciribtiraan, balse Enrique wali wuxuu muujiyay taxadar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *