
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa “si buuxda u aaminsan” in Manchester City ay mar kale u soo bixi doonto Champions League.
City ayaa Talaadada gurigooda ku wajahaysa Bournemouth kulankoodii ugu dambeeyay ee Premier League xilli ciyaareed liitay.
Waxay ku jiraan kaalinta lixaad, hal boos iyo hal dhibic ka dambeeya Aston Villa, oo haatan ku jirta booska ugu dambeeya ee u soo bixitaanka Champions League, in kastoo ay kulan baaqi ah leeyihiin.
City ayaa Sabtidii 1-0 looga badiyay Crystal Palace finalka FA Cup, in kastoo taasi aysan yareyn kalsoonida Guardiola.
“Waxaan ka fikirayaa inaan soo bixi doonno. Fikradahayga iyo sida aan u fikiro – waxaan u maleynayaa sidaas. Waxaan u baahanahay afar dhibcood. Taasi waa hadafka ugu weyn. Waxaan ahay mid si buuxda [u aaminsan soo bixitaanka],” ayuu yiri, sida laga soo xigtay BBC Sport.
“Waa muhiim. 13kii ama 14kii ama 15kii sano ee la soo dhaafay waxaan dooneynay inaan ku jirno Champions League laakiin haddii aanan halkaas joogin markaas maanaan u qalmin waxaana ku jiri doonnaa Europa League. Waa sida ay tahay.”
Kulanka ayaa sidoo kale noqon doona kulankii ugu dambeeyay ee Kevin De Bruyne uu gurigiisa ku ciyaaro kooxda, Guardiola ayaa soo jeediyay in khadka dhexe uu heli doono waxa uu mudan yahay markii la weydiiyay inuu ku soo bilaaban doono ka dib markii uu ciyaaray kulankii oo dhan Palace Sabtidii.
“Waxaan dooneynaa inaan badinno kulanka si aan ugu soo baxno Champions League xilli ciyaareedka soo socda – tani waa waxa Kevin uu doonayo, si kale ma noqon karto,” ayuu yiri Guardiola.
“Waxaan go’aansan doonaa waxa noogu fiican si aan ugu guuleysanno kulanka Bournemouth, taasi waa hubaal.”
“Kevin wuxuu heli doonaa waxa uu mudan yahay, waxa uu mudan yahayna waa waqtiga ugu fiican iyo ammaan ugu fiican ee uu mudan yahay safarkiisa cajiibka ah.”
“Waxa uu sameeyay isaga iyo halyeeyo kale oo cajiib ah oo kooxdan ka tirsan ma noqon doonto mid suurtagal ah 10 ilaa 15 sano tan iyo markii Sheekh Mansour uu la wareegay kooxda isla markaana uu kooxdan gaarsiiyay heer kale.”