
Waa la dhameystiray! Liverpool ayaa ku guulaysatay loolankii ay ugu jirtay weeraryahanka cusub, iyagoo heshiis buuxa la gaaray kooxda Eintracht Frankfurt oo ku aaddan saxiixa Hugo Ekitike.
Kadib wadahadallo cusub oo dhacay maanta oo Axad ah, labada kooxood waxay ku heshiiyeen qiimo dhan €95 milyan, oo ay ku jiraan gunnooyinku. Heshiiskan wuxuu yimid kadib markii dalabkii hore ee Liverpool la diiday, laakiin kooxda reer England ayaa ku adkaysatay sidii ay u heli lahayd bartilmaameedkooda koowaad.
Ekitike, oo horey u ogolaaday inuu ku biiro kooxda, wuxuu saxiixi doonaa heshiis muddada dheer ah oo soconaya ilaa Juun 2031.
Iyadoo heshiiska la gaaray, ciyaaryahanka ayaa la filayaa inuu maro tijaabada caafimaadka dhowaan. Saxiixan ayaa ah mid aad u weyn oo muhiim u ah Liverpool, oo heshay mid ka mid ah weeraryahanada da’da yar ee Yurub ugu fiican si uu u hoggaamiyo weerarkooda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda.