
Caalamka kubadda cagta ayaa si weyn u sugaya ku dhawaaqista 30-ka ciyaaryahan ee u sharraxan abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu qiimaha badan, Ballon d’Or 2025, kaasoo si rasmi ah maanta oo Khamiis ah loo shaacin doono. Halka ku guuleystihii 2024, Rodri, aysan u badnayn inuu liiska ku soo baxo dhaawac uu xilli ciyaareedkii hore ku seegay awgiis, waxaa soo baxay xiddig cusub oo si weyn loo saadaalinayo inuu ku guuleysto.
Xiddiga si weyn ugu cadcad abaalmarintan sanadkan waa Ousmane Dembélé oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain. Garabka weerarka ee reer France wuxuu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah oo taariikhi ah, isagoo kooxdiisa la qaaday saddex koob (treble) oo ay ku jirto koobka xiisaha badan ee UEFA Champions League, wuxuuna sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Ligue 1.
Kooxda Barcelona ayaa sidoo kale ku yeelan doonta wakiillo xooggan oo tartanka ku jira. Da’yarka cajiibka ah ee Lamine Yamal wuxuu soo qaatay sanad aan la aamini karin, isagoo kooxda la qaaday saddex koob oo gudaha ah: La Liga, Copa del Rey, iyo Spanish Super Cup. Saaxiibadiis Raphinha, oo noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League, iyo Robert Lewandowski ayaa iyaguna la filayaa inay ku soo baxaan.
Inkastoo aysan koobab badan qaadin, xiddigo kale oo waaweyn ayaa ku jira loolanka bandhigyadoodii shaqsiga ahaa. Kylian Mbappé wuxuu lahaa xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku guuleystay kabta dahabka ee Yurub, halka Mohamed Salah uu isna yahay tartan adag kadib markii uu Liverpool la qaaday Premier League, kuna guuleystay gooldhalinta iyo caawinta horyaalka.
Liiska 30-ka waxaa la filayaa inay ka soo muuqdaan magacyo kale oo waaweyn sida Vitinha, Hakimi, Declan Rice, Harry Kane, iyo Erling Haaland. Dhanka abaalmarinta da’yarka sanadka (Kopa Trophy), waxaa isha lagu hayaa xiddiga kooxda PSG ee Desiré Doué, gaar ahaan kadib goolashii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyey final-ka Champions League.
Inkastoo liiska oo dhan maanta la shaacin doono, dooddu horey ayay u bilaabatay. Guulihii kooxeed iyo kuwii shaqsiga ahaa ee uu gaaray awgood, Ousmane Dembélé waa ninka si cad loo saadaalinayo inuu ku guuleysto abaalmarintan sharafta leh.